HomeWefti ka socda Shirkad Somaliland Shidaal ka baadhaysa oo maanta Hargeysa yimi

Wefti ka socda Shirkad Somaliland Shidaal ka baadhaysa oo maanta Hargeysa yimi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale ayaa maanta magaalada hargaysa ku soo dhaweeyay wefti ka socda Shirkad laga leeyahay,Wadanka Turkiga oo dhawaan hawl gal sahamin dhinaca shiidaalka ah ka bilaabi doonta Somaliland .

Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha oo faah faahin ka bixinayay ujeedada weftigan ayaa sheegay in sadex shirkadood ay hore dalka uga wadeen sahamin dhinaca shiidaalka ah,waxa  uu wasiirku xusay in Shirkadan Turkiga ahi bisha labaad ee sannadka soo socda ay bilaabi doonaan sahamin kale oo ay u adeegsan doonaan Diyaarado iyo aaladaha fududeeya shiidaal baadhista.

blankMadaxa Weftigan ka socda dalka Turkiga oo lagu magacaabo John Herison oo hadal kooban halkaas ka soo jeediyay ayaa sheegay in bisha labaad ee sannadka inagu soo foolka leh ay si rasmi ah u bilaabi doonaan hawshan sahaminta shiidaalka Somaliland isagoo tilmaamay inay la shaqayn doonaan muwaadiniin badan oo u dhashay Somaliland,waxaa kale oo mas’uulkani intaas ku daray in ay ku rajo weyn yihiin in  mashruucani uu  noqon doono mid lagu guulaysto.

Dhinaca kalena Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Xuseen Cabdi Ducaale oo ay weheliyaan Shirkado caalami ah oo ah kuwa shidaalka qoda ayaa Galabta ka degey madaarka magaalada Burco.

Weftigan oo la socday Diyaarad khaas ah oo ka soo degtay galabta madaarka Magaalada Burco, waxay la kulmeen maamulka gobolkaasi oo ay hormuud u ahaayeen Badhsaabka Gobolka iyo Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Togdheer ,waxay Mas’uuliyiinta gobolku warbixin ka siiyeen weftiga ,Xaaladda Nabadgelyo ee Gobolka, iyo sida ugu fudud ee shidaal ay uga baadhi karaan gobolka, waxayna maamulka Gobolku u sheegeen in wax badan ay ka saacidi doonaan kuna soo dhoweynayaan Gobolka shirkaddani.

Wasiirka Macdanta iyo biyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedka ay weftigani uu hogaaminayey u yimaadeen dalka, waddamada ay u dhasheen iyo weliba shirkadaha ay ka socdaan.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories