HomeWefti ka socda Dawladda Maraykanka oo Hargeysa soo gaadhay iyo Nuxurka Waxyaabaha...

Wefti ka socda Dawladda Maraykanka oo Hargeysa soo gaadhay iyo Nuxurka Waxyaabaha lagaga hadlay Kulan dhexmaray Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay wefti ka socda dawladda Maraykanka oo maanta dalka soo gaadhay.

Weftiga ka socda dawladda Maraykanka waxa xubno ah Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya iyo Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka ee USAID, Miss Etin Lindia iyo saraakiil kale, iyada oo xubnahahi noqonayaan weftigii ugu meeqaamka sarreeyay dawladda Maraykanka ee socdaal ku yimaadda Somaliland muddadii xukuumadda Kulmiye talada dalka gacanta ku haysay.

DSC_0145Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxa kulanka ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

In kasta oo kulanka dhex-maray madaxweynaha iyo weftiga Maraykanka aanay saxaafaddu goob-joog ka ahayn isla markaana aan la ogeyn waxyaabaha ay ka wada-hadleen, waxa si wada-jir ah saxaafadda ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo sharraxayey nuxurka qodobbada ay ka wada-hadleen weftiga Maraykanka, ayaa yidhi, “Waxaanu ka wada-hadlaynay sidii labada waddan u yeelan lahaayeen cilaaqaad cusub oo wada-shaqayn iyo waxtar leh, ayaanu weydiisanaynay. USAID mashaariic fara badan bay na siisaa, haseyeeshee waxaanu kala hadlaynay sidii wax lanoogu kordhin lahaa, sidii cilaaqaadka labada waddan loo xoojin lahaa iyo sidii aanu u wada-shaqayn lahayn,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Safiirka Maraykanka u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo isaguna ka hadlayey ujeeddada socdaalkooda iyo qodobbada ay ka wada-hadleen xukuumadda, waxa uu yidhi, “Waan ku faraxsanahay inaan mar kale ku soo laabto Hargeysa, waxaan doorkan imi iyada oo ay weheliyo Miss Linda oo ka timi Washington, waxaanan farxad weyn ii ah inaan goob-joog ka ahaado booqashadeeda halkan oo dadka u saamaxaysa inay wax ka ogaadaan mashaariic aanu halkan ka qabannay iyo masuulka ka ahayd oo halkan timi. Iyo sidoo kale inaanu dawladda ka codsanno wada-shaqayn wax-ku-ool ah oo aanu yeelanno. Waxaananu wada-xaajood kala yeelannay madaxweynaha iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada.”

Sidoo kale, Agaasime ku-xigeenka hay’adda horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka Ms Linda oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in socdaalkeedu yahay markii u horeysay ay soo gaadho Somaliland, soo-dhawayntuna waxay ahayd mid cajiib ah. USIAD waxa ay Somaliland ka hawl-galaysay in muddo, waxyaabihi aanu ka wada-hadalnay maanta waxay ahayd sida ay USAID uga go’an tahay inay ka hawl-gasho kuna sii negaato Somaliland iyo inaanu kor u qaadno xidhiidhka dhinaca horumarka ee aanu ka qabanno Somaliland, waananu ku faraxsannahay inaanu sii xoojinno is-kaashigeenna,” ayey tidhi Ms Linda.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories