HomeWefti ka Socda Dawladda Itoobiya oo Kormeer ku maray Xarumaha Ilaha Dhaqaale...

Wefti ka Socda Dawladda Itoobiya oo Kormeer ku maray Xarumaha Ilaha Dhaqaale ee Somaliland iyo Kulan caawa Dhexmaray madaxweyne Siilaanyo (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka kooban Wasiirro iyo masuuliyiin Sar-sare oo ka socda Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya oo shalay socdaal ku yimi Dalka, ayaa maanta kormeer ku maray Xarumaha Ilaha Dhaqaalaha Somaliland sid Dekedda Berbera, Haamaha Shidaalka iyo Xarunta Ganacsiga dalka ee Tog-wajaale.

Weftiga Dawladda Itoobiya oo ay wehelinayaan wasiirro ka tirsan dawladda, ayaa subaxnimadii maanta socdaal ku tagay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanay kormeer ku sameeyeen, Golaha Deegaanka Berbera, Maamulka gobolka, Dekedda magaalada Berbera iyo Haamaha Shidaalka, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen masuuliyiinta kala duwan ee hay’adahaas.

DSC_0205Weftigan oo ka Kooban 12 xubnood oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Sufian Axmed, ayaa kala ah

Wasiirka Gaadiidka Workneh Gebeyehu, Wasiirul-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Ahmed Shide, Agaasimaha Logists iyo Maritime-ka Axmed Tussa, Agaasimaha Guud ee hay’addaha Jidadka Tareennada Dr. Getachew Betru, Agaasimaha Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Amb. Solomon Abebe, Agaasimaha Iskaashiga ee Wasaaradda Maaliyadda Kokeb Misrak, Agaasimaha Shuruucda ee Wasaaradda Maliyadda Wassihum Abate, Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee hay’adda Waddooyinka Itoobiya Bekele Negussie, Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Brigadier General Berhe Tesfaye iyo masuuliyiin ka socday Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar, Maayarka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin), Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera Cumar Abokor Jaamac, Maareeyaha Haamaha Shidaalk Sheekh Saleebaan Siciid Aw-Cali, Maamulaha Kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, ayaa dhammaantood xafiisyadooda ku soo dhaweeyey weftiga dawladda Itoobiya, waxaanay markii dambe kormeer ku sameeyeen Dekedda Berbera iyo Haamaha shidaalka. Waxa kale oo ay kormeer ku sameeyeen dhismaha Deked Cusub oo ka bar-bar socota dekedda magaalada Berbera. Sidoo kale waxa ay kormeer ku sameeyeen Madaarka diyaaradaha Magaalada Berbera.

Markii kormeerkoodu gobolka Saaxil soo gebo-gaboobay, waxa ay weftiga iyo masuuliyiinta Dawladda Somaliland u amba-baxeen gobolka Gabiley, gaar ahaan waxa ay kormeer ku sameeyeen magaalo-xuduudeedda Tog-wajaale oo ah xarunta ganacsiga Somaliland, halkaas oo sidoo kale ay ku yaallaan Xafiisyada Laamaha Socdaalka ee laba waddan.

Kormeerkooda degmada Tog-wajaale ka dib, weftigu waxa ay dib ugu soo laabteen magaalada Hargeysa ee xarunta dalka.

Weftiga Dawladda Itoobiya, waxa kormeerkooda Indho-indhaynta ku wehelinayey masuuliiin ka tirsan dawladda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyada Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryeynta Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiiru-dawlaha Maaliyada Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), Ambassador Ayaanle Salaax Diiriye, La taliyaha Xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ah ee Madaxweynaha Amb. Cabdifataax Siciid Axmed.

Kulanka Caawa ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu weftiga dawladda Itoobiya caawa kulan Casho-sharaf ah kula qaatay Qasriga madaxtooyada, waxaanu madaxweynuhu uga mahadnaqay weftiga iyo dawlada Ethiopia sida sharafta iyo karaamada leh ee ay weftigan miisaanka Culus ugu soo direen Somaliland si ay indhaha uga qaadaan horumarka ay ku talaabsatay Somaliland mudooyinkii u danbeeyey, ha noqoto dhinaca ganacsiga, dhinaca nabadgelyada, iyo adeega bulshadaba, isaga oo Madaxweynuhu xog-waran ka siiyey xaalada guud ee dalka iyo ta gobolkaba.

Socdaalka Weftiga dawladda Itoobiya dalka ku yimaaddeen oo daba-socday kulamo dalka Itoobiya ku dhex-maray masuuliyiin ka tirsan Dawladda Somaliland, ayaa ujeeddadiisu tahay sii xoojinta xidhiidhka ganacsi ee labada waddan, kuwaas oo waxyaabaha lagu qorshaynayo ay ka mid yihiin sidii dawladda Itoobiya u adeegsan lahayd Dekedda magaalada Berbra iyo sidoo loo suurto-galin lahaa hirgelinta JId tareen ah oo isku xidha magaalooyinka Berbera iyo Addis Ababa iyo sidii Korontada dalka Itoobiya loogu soo gudbin lahaa isla markaana loo soo gaadhsiin lahaa Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories