HomeWefti ka Socda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo si wayn loogu soo...

Wefti ka Socda Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo si wayn loogu soo dhaweeyey Caasimada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wefti balaadhan oo ka socda dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo uu hoggaaminayo Madaxa Xarunta xisbiga dimuqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamed Shugri isla markaana ay xubno ka yihiin xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Somaliland.

Weftigan ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxa kulan balaadhan oo soo dhawayn ah Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa ugu sameeyay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay weheliyeen Wasiirrada Caafimaadka, Beeraha, Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga, Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Kalluumaysiga, Arrimaha dibadda, Duqa caasimadda Hargeysa iyo maareeyaha TV-ga qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay kulankii ay ku qaabileen weftigaasi waxaanu yidhi “Waad ogtihiin oo dalkeena iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya xidhiidh weyn oo balaadhan oo soo jireen ah oo aan ugub ahayn. Waxaynu iska kaashanaa dhinacyo badan, waxaynu iska kaashanaa nabadgelyadda sidii nabad loogu wada noolaan lahaa mandaqadda, Ganacsiga,waxbarashada iyo dhinacyada kale ee nolasha bini’aadmigu u baahan tahay oo dhan waynu iska kaashanaa Somaliland iyo Itoobiya.”

“Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waa gobolka innoogu soo xiga ee aynu xadka wadaagno, dawlad deegaanka Soomaalida xidhiidhka innaga dhaxeeya Itoobiya waxa inoo dheeraanaya inaynu ood-wadaag nahay oo labada dal , labada shacbi iyo isu socodku uu muhiimad gaar ah inoo leeyahay,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka Warfaafinta waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay si kalsamaan ah u soo dhawaynayso weftigan waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay weftigiinu dhammaantiin soo dhawaada, annaga (Somaliland) ayaa dhawr jeer oo hore socdaal ku tagay Jig-jiga. Waxay inagala qeyb galayaan Munaasibadda Ciidul Adxa.”
IMG_0033

IMG_0037

IMG_0043

IMG_0072

IMG_0086

IMG_0112

IMG_0121
Madaxa xarunta xisbiga dimuqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamed Shugri oo ka hadlay kulankaas ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay meeqaamka sar ee ay ku soo dhawaysay weftigooda, waxaanu tilmaamay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii looga wada tashan lahaa wax wada qabsiga labada dal.

“Dalkan aanu jaarka nahay ee Somaliland waan ku faraxsan nahay inaan markii ugu horeysay aan ku imaado Somaliland, waxaanan ka mahad celinaynaa soo dhawaynta qaaliga ah ee naloo sameeyay.Ujeedada socdaalkayagu waxa weeye inaanu ka wada tashano iskaashiga innaga dhexeeya,”ayuu yidhi Axmed Maxamed Shurgri.

Weftigan waxa kale oo xubno ka ah C/Risaaq Cali Baashe oo ah Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Maxamed Faarax oo ah Wasiir iyo C/Risaaq Bootaan oo la taliyaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

Somalilandpost.net

Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories