HomeWefti ka socda Beesha Caalamka oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay Hoggaanka...

Wefti ka socda Beesha Caalamka oo kulamo gooni-gooni ah la qaatay Hoggaanka Sare ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wefti ka socda Saaxiibbada Beesha Caalamka ee taageera Doorashooyinka iyo Nidaamka Dimuqraadiyadda ee Somaliland, ayaa maanta kula la qaatay hoggaanka sare ee Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.

blankWeftigan oo ka kooban wakiillo ka socday Ingiriiska, Sweden, Denmark, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay, waxa ay xisbiyada dalka oo ay kulamo gooni-gooni ah la yeesheen kala hadleen arrimo la xidhiidha Doorashooyinka is-barkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo noqonaysa tii u horreeyey nooceeda oo la filayo inay dalka ka qabsoomaan 31-ka Bisha May ee sannadkan.

Sida lagu sheegay war ka soo baxa Afhayeenka Xisbiga Kulmiye, weftiga ka socday beesha caalamku waxa ay si weyn ugu ammaaneen Xukuumadda Somaliland, axsaabta Qaranka iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka hirgelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha oo dhaqaalaha ku baxay ay bixiyeen iyo muddeynta Doorashooyinka is-barkan oo inta ugu badan dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso xukuumadda Somaliland.

blankWarku waxa uu intaas in Guddoomiye-ku-xigeenka KULMIYE Axmed Dheere oo qaabilay weeftiga uu u sheegay in xisbi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ay diyaar ka yihiin wax kastoo la xidhiidha qabashada doorashooyinka isku-sidkan, isla markaana mudnaantooda koowaad siinayaan in doorasho xor iyo xalaal ahi si amni ah uga dhacdo dalka waqtiga loo muddeeyey.

“Mudane Axmed Cabdi-dheere wuxuu ku wargeliyey xubnaha weftiga in xisbiga KULMIYE uu gacan buuxda siinayo murashaxiinta haweenka iyo beelaha la hayb-sooco ee iska soo sharraxa xisbiga, iyadoo horeba xisbiga iyo Xukuumaddiisu ay dadaalo badan uga galeen sidii kor loogu qaadi lahaa ka qaybgalka talada dalka ee labadan qaybood ee bulshada ka tirsan,” waxa sidaas lagu sheegay qoraal uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye.

Dhanka Kulanka weftiga beesha Caalamku waxa ay kulanka la qaateen guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan hoggaanka Xisbiga.

blankKulanka oo ku qabsoomay Guriga uu magaalada Hargeysa ka deggen yahay Guddoomiye Cirro, waxa markii uu soo dhammaaday saxaafadda la hadlay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xisbiga Waddani, waxaanu faahfaahin ka bixiyey qodobbada lagaga hadlay kulanka.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo Muuqaalka Hoose

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories