HomeWefti Ka Socda Bangiga Adduunka Oo La Kulmay Guuddoomiyaha Hay’adda Shaqaaalaha Dawlada...

Wefti Ka Socda Bangiga Adduunka Oo La Kulmay Guuddoomiyaha Hay’adda Shaqaaalaha Dawlada iyo Arrimo xaasaasi ah oo lala xidhiidhanayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Md Farxaan Aadan Haybe, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay weafti ka socda Baanka Adduunka oo ka koobnaa saraakiisha ugu saraysa Xafiiska Nairobi iyo  xubno kale oo ka socday xafiiska Washington, kuwaas oo soo gaadhay magaalada Hargeysa.

 

Weftiga oo ay Gudoomiyaha wada  Qaateen shir qaatay 4 saacadood iyo sooryo qado ah  oo isla xafiiska xarunta Hay’adda shaqaalaha Dawlada ay ku wada qaateen ayaa labada  dhinac waxa ay ka wada hadleen baraamijka xukuumada JSL ee dibu habaynta shaqaalaha iyo mashruuca Baanka Aduunku ku taageero siyaasada Xukuumada ee ah tayaynta, dibu-qaabaynta iyo taageerista aqooneed ee shaqaalaha Dawlada. Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada Mudane Farxaan Aadan Haybe oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee hay’adda shaqaalaha, Xubno ka mid Komishanka, madaxda mashruuca ee Hargeysa iyo agaasimyaasha waaxyaha ee Hay’adda.

blank

Waxa uu waftigu si qoto dheer uga waramay barnaamijka dibu-habaynta shaqaalaha ee xukuumada JSL iyo ahmiyada uu u leeyahay qaranka si gaarana mashruuca tayaynta shaqaalaha.

Gudoomiyuhu isagoo arintaas ka waramaya waxuu yidhi sidan; “Waxa sharaf wayn noo ahayd in aanu shir waqti dheer ah la qaadanay Saraakiil sare oo ka socota Baanka Aduunka Mr Grogery iyo Miss Lucy oo ka kala yimi Nairobi, Kenya iyo Washington, USA. Waxaanu ka wada hadalay dadaalka Xukuumada ee dibu habaynta shaqaalaha iyo si gaar ah mashruuca dibu habaynta shaqaalaha Dawlada oo Hay’adda Shaqaalaha Dawladu la fuliso Baanka iyada iyo Wasaarado loo xulay hawshan. Waxaanu u sharaxnay halka hawshu imika marayso iyo waxa laga fuliyay qorshaha mashruuca oo ah mid hore loo sii dejiyay, waxaanay runtii ku farxeen sida dadaalka leh ee hawshaasi u socoto”.

blank

 

Guddoomiyaha oo  hadalkiisa sii wata ayaa ydhi: “Dhinaca kalena waxaanu isla eegnay dardar gelinta siyaasadaha la xidhiidha hawlgabka si dhalinyarada fursad shaqo loo siin karo oo ka balaadhan inta imika iyo dhaqan gelinta siyaasadaha  shaqada iyo maamulka shaqaalaha. Waxa kale oo aanu la wadaagnay baahida loo qabo in shaqaalaha dawladu helaan adeeg caafimaad oo ay awoodi karaan iyo fursado hoy ay ku noolaadaan taas oo gacan ka gaysan karo baanka aduunka iyo dawladah gacanta siiya ayna wax wayn u tahay xukuumada soomaaliland  hadii baahiyahaasi noqdaan qaar rumooba oo wax wayn ka tari kara kor u qaadista niyada shaqaalaha iyo tayada shaqada labadaba”.

blank

 

Guddoomiye Farxaan waxa uu sheegay inay ugu danbayn isla waafaqeen fulinta inta hadhay Mashruuca, waxaanu yiidhi: “Waxaanu ugu danbayn isla garwaaqsanay in fulinta inta hadhay mashruuca waqtigiisu iyo hawsha uu qabanayo ay keeni karto in la kordhiyo si uu baahiyaha kale ee ka baxsan qorshaha loogu talo galay uu wax ka tari karo.  Ugu danbay, waxa Gudoomiyaha Hayada Shaqaalahu oo ay weheliyaan xubnaha waftigu xadhiga ay ka jareen qaybaha cusub ee lagu kordhiyay xafiiskayada Hay’adda gaar ahaan qaybta kaydinta xogta iyo qaybta bixinta kaadhadhka shaqaalaha oo lagu rakibay server casri ah si loogu kaydiyo xogta shaqaalaha yo qalabka biometric ee xogta lagu qaado”.

 

Si kastaba ha ahaatee, Ujeeddada socdaalka weftiga baanka Adduunka iyo kulanka ay la qaateen guddoomiyaha Baanka Dhexe, ayaa lala xidhiidhinayaa inay ku sal-leedahay mad-madow iyo wax-is-daba marin la sheegay in lagu maamulay Mashruuc baanka adduunku maalgeliyey oo dib-u-habayn lagu samaynayey shaqaale-weynaha dowladda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories