HomeWefti ka socda Bandhiga Horumarinta Afrika oo Dalka yimi, kana hadlay ujeeddada...

Wefti ka socda Bandhiga Horumarinta Afrika oo Dalka yimi, kana hadlay ujeeddada socdaalkooda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, 17 February, 2012 (SLpost)- Wefti ballaadhan oo ka socda Bankiga Horumarinta Afrika ayaa maanta socdaal shaqo ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Weftigan oo uu hogaaminayo Dr Cabdiraxmaan Beyle oo ka tirsan mas;uuliyiinta bankigaasi ayaa waxaa Garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yahiin wasiirada wasaaradaha Macdanta & Biyaha iyo Beeraha.

Wasiirka wasaaradda macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale oo warbaahinta kula hadlay Qolka nasadhada ee Madaarka ayaa sheegay inay tahay markii ugu horaysay ee wefti lixaad leh oo ka socda baanka Horumarinta Afrika ay socdaal ku yimaadaan Dalka.

Wasiirku waxa uu ujeedada socdaalka weftigan ku tilmaamay mid la xidhiidha sidii wada xaajood ay ula yeelan lahaayeen  Somaliland taasoo ku aaddan wada shaqayn dhex marta Somaliland iyo baanka horumarinta Afrika. Baankan oo ah baanka hormuudka u ah barnaamijyada dhinaca horumarinta ee qaaradda Afrika.

Dr cabdiraxmaan Beyle ayaa dhankiisa u sheegay warbaahinta in ujeedada socdaalka weftigu tahay sidii madaxda Somaliland ay uga wada hadli lahaayeen shaqooyinka baanku ka hayo dalalka qaaradda iyo weliba dhinacyada uu baanku ka taageeri karo Somaliland gaar ahaan dhinacyada Biyaha, Beeraha, ka hor tagga abaaraha iyo dhinacyada kale ee arimaha bulshada.

Weftigan ka socda baanka horumarinta ee Afrika oo imaatinkooda ay ka dambaysay xidhiidh ay xukuumadda Somaliland hore ula samaysay ayaa waxa ay dalka ku sugnaan doonaan in Muddo ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories