HomeWefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Socdaallo Ku Maray...

Wefti Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Socdaallo Ku Maray Deegaamo ka tirsan Gobolkaas (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)- Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo Badhasaabka Gobolka Togdheer  Axmed Cumar  X. Abdillahi (Xamarje), ayaa  kormeer  ku maray degmooyinka hoos yimaadda gobolkaas.

Amba-baxa Weftiga ee Burco
Amba-baxa Weftiga ee Burco

Kormeerkan oo ku saabsanaa xog-ogaal u noqoshada baahiyaha iyo wax-qabadka  ka socda degmooyinka gobolka togdheer , ayaa waxaa  guddoomiyaha ku weheliyey taliyaha qaybta Booliska, Maayirka Degmada Burco, Xildhibaano golaha deegaanka Burco ah,  Isuduweyaasha Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Macdanta iyo biyaha, Xanaanada Xoolaha, Deegaanka, Beeraha, Qorshaynta,  Hawlaha guud iyo Hay’adda shaqaalaha.

Weftiga oo ku sugan Degmada Qorulugud
Weftiga oo ku sugan Degmada Qorulugud

Sidoo kale Socdaalkan uu badhasaabku ku gaalaa-baxay degmooyinka gobolka Togdheer, waxaa kaloo ku weheliyey Haayadaha caalamiga iyo kuwa wadaniga oo ay ka socdeen Caritas, Mid Air, Bisha Cas , NRC, Havayaco iyo Candlight.

Gacankan oo dhibaato wayn ku haya tuulada Waraabeeye xilliga roobabka
Gacankan oo dhibaato wayn ku haya tuulada Waraabeeye xilliga roobabka

Waftigaas oo  mudo laba maalmood ah kormeerayey si  dhab ahna ugu kuur -galay  baahiyaha xaasaasiga  ah ee ka jira dhamaan deegaanadan ama degmooyinka gobolkan hoos yimaada  oo kale ah :

Dadwaynahan oo si diiran waftiga ugu soo dhawaynaya tuulada War-Cimraan
Dadwaynahan oo si diiran waftiga ugu soo dhawaynaya tuulada War-Cimraan

Waraabeeye, Harada guba texel ,Yucub yabooh ,Bisiqa,  Duriqsi  , Riyo xidho, Dhoqoshay , dhagax dheer, dharyalay, Balay dhiis, Taala buur, Balay calanle, Qorilugud, Shanshacade, Warcimraan , Qoryaalay.

Badhasaabka Togdheer oo Khudbad u jeedinaya Shacabka Tuulada Shansha-cadde
Badhasaabka Togdheer oo Khudbad u jeedinaya Shacabka Tuulada Shansha-cadde

Muddadii uu waftigani ku gudo-jiray Kormeerka,  waxaa aad u soo dhaweeyay dhamaan Odayaasha,  Haweenka  iyo dhalinyarada Degmooyinkaasi. Iyagoo aad ugu riyaaqay masuuliyiinta qaran ee booqashada ugu yimi.

6Gudoomiyaha gobolka Togdheer ayaa dadkii degaanadaasi u iftiimiyay ujeedada dhabta ah ee ay u socdaan oo uu sheegay in ay tahay sidii ay u ogaadaan lahaayeen baahiyaha  ka jira deegaamadaas islmarkaana uu ku indho-indhaynayo  waxa u qabsoomay Haayadaha kala duwan ee dawliga ah ee gobolkaasi ka hawl-gala.

7Dhamaan dadwaynihii deegaanadaasi ayaa si farxad leh usoo dhaweeyey weftiga. Waxaanay ugu hambalyeeyeen si niyad-sami ah, iyagoo sheegay in weligood aanay arag wafti baaxadaas leh oo u kuur galay baahiyahooda. Marka laga reebo ayey yidhaahdeen xilliyada olalaha oo ay sheegeen inay soo mari jireen Kolonyada Cod urursiga uun u socda.

Waftigaasi ayaa intii ay ku gudo-jireen kormeerka la kulmay baahiyo badan oo ka jira deegaamadaasi, waxaanu gudoomiyaha gobolka togdheer iyo waftigiisuba ay ku ballan qaadeen in si dhakhso ah ay uga hawl-gali doonaan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira deegaanadaasi kala duwan.

8Guud ahaan gobolka Togdheer waxa ka curtay roobabkii Gu’gu, Waxaana gabi-ahaanba dhulkii uu weftigu maryey jiifay xareeddii raxmaadka. Waxaana si mug leh u jabay abaarihii ka jiray degaanadaasi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories