HomeWefti Ballaadhan Oo Uu Hogaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Oo Boqolaal Ka...

Wefti Ballaadhan Oo Uu Hogaaminayo Ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga UDUB Oo Boqolaal Ka Mid Ah Taageerayaasha Xisbigu Si Weyn Ugu Soo Dhaweeyeen Magaalada Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera, 06 February, 2012 (SLpost)- Kusimaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna guddoomiye kuxigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Md.Axmed Yuusuf Yaasin iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey ayaa maanta duhurkii si weyn loogu soo dhaweeyey duleedka Magaalada Berbera,kadib markii ay saaka ka anbabaxeen Magaalada Hargeysa.

Boqolaal ka mid ah dadweynaha reer Saaxil iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB ayaa waxa weftiga kaga hortageen duleedka Magaalada,isla markaana waxay u soo galbiyeen dhinaca Xafiiskiisa Gobolka Saaxil.Waxaana intaa dheera heesaha soo dhaweynta, iyada oo calanka Xisbiga UDUB ay taageerayaashu luxayeen.

blankWeftigan uu hogaaminayo Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin ayaa waxa ka mid ah Wasiirkii hore ee Wasaarada Waxbarashada Md.Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan Gadhweyne), Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Md.Maxamuud Siciid Maxamed,Wasiir kuxigeenkii hore Wasaarada Arrimaha Dibada Md. Axmed Siciid Aadan (Axmed Keyse),Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodijeex Md. Maxamed Cabdi Daa’uud,Xildhibaano,Xubno ka tirsan Golaha dhexe iyo guddida fulinta ee Xisbiga UDUB,Siyaasiyiin,qurba-joog iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Somaliland Md.Axmed Yuusuf Yaasin oo Xarunta Xisbiga UDUB ee Gobolka Saaxil kula hadlay boqolaal ka mid ah dadweynaha gobolka Saaxil iyo taageerayaasha Xisbiga UDUB oo caleemo qoyan ku soo dhaweeyey ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynaha soo dhaweeyey,isagoo xusay inay caawa dadweynaha kala hadli doonaan Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Berbera.isla markaana u soo dhaafi doonaan gobolada Bari.

blankIntii aanu soo gaadhin Magaalada Berbera ayaa waxa uu Weftigu meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha reer Dacar-budhuq, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calamaanta UDUB iyo Somaliland ku soo dhaweeyey.

Guddoomiyaha Wacyigelinta Xisbiga UDUB Maxamuud Cabdi Malow oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynaha reer dacar-budhuq sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, waxaanu xusay inay maanta halkan marayaan Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Kusimaha guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna Guddoomiye Kuxigeenka Xisbiga Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo ay wehelinayaan, guddidii fulinta ee Xisbiga,Golaha dhexe,“Waxaanu idinku nimid inaanu idin baraarujino oo aanu idin soo booqano”.Ayuu yidhi

Wasiirkii hore ee Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamuud Siciid Maxamed oo isna la hadlayey dadweynaha reer Dacar-budhuq ayaa waxa uu uga mahad-celiyey sida maamuska leh ee loo soo dhaweeyey. Waxaanu yidhi “Dadweynaha sharafta leh ee reer Dacar-budhuq aad iyo aad ayaanu idinka mahad-celinaynaa sida qiimaha iyo sharafta leh ee aad noo soo dhaweyseen, iyada oo aanu diyaargarow jirin oo aanu safar meesha ku mareynay”.

“Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo kusimaha guddoomiyaha Xisbiga, ahna guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasin iyo wefti balaadhan oo ay ka mid yihiin xubno ka tirsan guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Inshaa Allaahu waxaanu jecelnahay inaanu gobolada Barriga oodhan aanu safar ku soo kala bixino, hawlihii way inoo bilaabmeen oo aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin. Waxaanan idinka mahad-celinayanaa sida lab furnaanta ah ee aad noo soo dhaweyseen wakhtiga yare e aan ku-tallogalka lahayn,”Ayuu yidhi Maxamuud Siciid Maxamed.

Kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasin ayaa waxa uu u mahad-celiyey dadweynaha reer Dacar-budhuq sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen.“Degmada Dacar-budhuq waa salkii UDUB,waa dhulkii laga unkamay-weeyaan. Waddanka waxaynu hogaaminaynay labaatan Sanadood oo hore,dabcan waa loo baahan yahay inaanu mar gees u fadhiisano oo aanu kubadda ka daawano dhinaca dibadda waxa dhacaya”.Ayuu yidhi.

blankIsaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Labaatanka sanadood waxaan filayaa inaydaan idinku nagu hungoobin,waddanku nagu hungoobin, Xisbigii UDUB-na boodhka ayaa laga tumay, UDUB-kiina waa laculay, oo faraarihiisi ayuu la soo baxay, waxaan filayaa inuu maamulka ku soo noqon doono”.

Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin oo ka hadlayey u jeedada safarkiisa ayaa waxa uu yidhi“Safarkani aanu u baxaynaa waxa weeyaan u jeedadiisu in Xisbigii dib loo dhiso, oo boodhka laga jafo, in Xisbigii dib u diyaargaroowo, in Xisbigii soo saaro Murashixiintii Golaha deegaanka, oo Xisbigii Xubno fara baddan ku yeesho golaha deegaanka,oo uu Xisbigu yeesho awoodiisi hore ayaanu u soo guntanay. Markaa safarkayaga waxaanu ka soo bilaabaynaa Gobolka Sanaag oo ah halkii aanu ka soo unkanay, dabadeedna waxaanu u soconaynaa Galbeed Inshaa Allaahu Tacaal waynu isku soo noqon doona.

Md.Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu ku booriyey dadweynaha reer Dacar-budhuq oo uu yidhi “Waxaan leeyahay Guntiga dhiisha ha la isaga dhigo, Xisbiga UDUB dib ha loo dhiso oo boodhka ha laga tumo, oo UDUB-kii dib ha loo cullo,reer Dacar-budhuqoow idinka ah hormoodka UDUB ee soo saara xubno golaha deegaanka idin metela”.Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasin.

Weftigan ayaa waxa la filayaa inay dadweynaha reer Saaxil kala hadlaan fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Berbera,isla markaana caawa u hoydaan Magaalada, iyaga oo uga sii gudbi doona Gobolka Togdheer.

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories