HomeWeerarrada Midabbada badan ee Somaliland lagu hayo.

Weerarrada Midabbada badan ee Somaliland lagu hayo.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Somaliland cadowgeedu ma yara, mar uu si toos ah u soo badheedho iyo mar uu soo xulo dariiq kale amaba soo dhex maro dad uu yeeshay, dad ka tagay dadnimadii oo damiirkooda iibsaday. Haddaba dadkaasi ma daalaan, ma quustaan, ma hadhaan! maxay u quusan laayihiin? Maxay u daali waayeen? Maxaa u diiddan inay hadhaan?

Alaylehe waa waydiin mudan in laga warceliyee, sagagar dhuunigiisuba yahay cad quudheed, doqon caadaystay xoolo xaaraan ah, damiir laawe la tusay shilimo lagaga gadanayo dalkiisa, macangag loo taliyoo sida leebka loo rido, khashiin waxba isku fali waayey xishoon maayee si uu u bislaysto shilimaadka lagu hawl-galinayo sow ogolaan maayo awaamirta la siinayo, ilayn garashada ayuu sabool ka yahaye haddii la yidhaa gurigaaga gub sow gubi maayo. Waa qof aan micne lahayne, sow balaayo waliba kama suurowdo, lacagta yar ee lagu saboodhaa way uga culustahay wax walba oo dunida yaalla.

Maxaa Somaliland lagu haystaa? Ma godob baa loo hayaa? Yaa aano iyo utun ka tirsanaya? Haddaba waa yaabe maxaa daba dhigay ardaalladan? iyaduna waa waydiine waxay se warcelinteedu tahay;

Markii la arkay Somaliland oo horumar laxaadle ku tallaabsatay, markii la arkay dawladnimada ka tisqaadday, markii la hubsaday dimuquraadiyadda hana-qaadday, markii la gar-waaqsaday in waddankan horusocodkiisu xawli ku socdo, markii laysla gartay in Somaliland kaalin sida nalka u bidhaamaysa ka noqotay Geeska Africa ama Africa oo dhan, markii la wada ogaaday in waddankani kulansaday deeqo RAXMAANKU bixiyo sida (Islaamnimo, nabad, xasillooni iyo heshiis) waxa soo baxay dad uu haleelay cudur kufri-calooleed ah, dad uur-nacayb hayo, dad aad mooddo iblays maryo sita oo marleyba wanaagga iyo samuhu dhibo. Ardaallada caynkaa ahi Somaliland kuma koobnee, dunida oo dhan way joogaan, waa musiibo dunidu faraaro-hangool iskaga hayso, waa dad ku hawlan inay cudurka haya qaadsiiyaan bulsho dhan.

Balaayo-doonka Somaliland hagardaamada la damacsan, nacabka midabbada badan ee marba muuq isku yeela, gabaarreyda kusoo dhuumata meelaha loogu kalsoonida badanyahay ee wadaadka matalaya, muudalka dhunkaasha sita ee sunta loo soo dhiibay, addoonka la yeeshay ee aan qalbi naxa iyo arxan toona lahayn, taaggiisa hadduu ordo iyo haddii uu abidkii qayliyo iyo hadduu qori dab leh la wareego, midna waxba kuma yeeli karo, qoolna uma maleegi karo Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland.

Kolba Goob ayey Bar-tilmaadsadaan, oo way amranyihiine, imikana xarunta dhaqanka ee hargeysa iyo waxbarashada dalka tushuushku fura ayaa la yidhi.

Ama Xamar ha lagaa soo diro ama meel baas ha lagaa soo amree, Somaliland inyar oo carqalad ah sinaba uguma gaysan kartid.

“Miyaa la ii tudhay

Ninkii taag yaraa dhimaye”

W/Q: Axmed Rashiid

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories