HomeWeerarkii Al-shabaab Ee Muqdisho Khasaaraha Ka Dhashay Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca

Weerarkii Al-shabaab Ee Muqdisho Khasaaraha Ka Dhashay Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho, (SLP)- Weerar ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen maanta barqadii wasaaradda Hiddaha iyo Taliinta Sare ee Soomaaliya ayaa la sheegay in lasoo af-jaray, iyadoo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 15-qof oo isugu jiray, dablaydii weerarkaas qaaday, shacab iyo askar ka tirsanaa ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM iyo afar askari oo ciidamada dawladda Soomaaliya ka tirsanaa, sidoo kale waxaa dhintay dad rayid ah oo goobta joogay, kuwaasoo uu ka mid ahaa nin mooto watay.Muqdisho

Al-shabaab oo sheegatay weerarkan ayaa waxay ku billaabeen qaraxa loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo qaraxa is-miidaaminta ah ka dib ay gudaha u galeen dhismaha wasaaradda; halkasoo ay ka bilaabatay rasaas ay is-dhaafsanayeen kooxdii xoogaggii weerarka qaaday iyo ciidamadii ilaalada ka hayay wasaradda.

Mid ka mid ah shaqaalaha wasaaradda oo xilligii uu weerarku dhacayay ku sugnaa gudaha wasaaradda oo VOA-da la hadlay ayaa xusay in kooxaha weerarka soo qaaday dabaqa 1-aad ee wasaaradda iyo ka labaad ay qabsadeen,  oo ay kula dagaalameen ciidamadii ilaalada ka ahaa wasaaradda.

“Kooxaha weerarka soo qaaday waxay qabsadeen qaybo ka mid ah wasaaradda, laakiinse ciidamada dawladda ayaa ka hor-tagay. Ciidamadii AMISOM ee ku sugnaa wasaaradda waxaanu arkaynay iyagoo dhuumanaya markii xabaduhu bilaabmeen,” ayuu yidhi qofkan goob-joogaha ahaa oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda oo aan magaciisa sheegin.

Su’aal ahayd cidda joogtay wasaaradda markii uu weerarku bilaabmay iyo khasaarihii kala duwanaa ee ka dhashay, ayuu sheegay inay joogeen shaqaalihii wasaaradda oo ay ku jireen agaasimayaashii guud ee wasaaraddaha hiddaha iyo tacliinta sare iyo sidoo kale  wasaaradda macdanta iyo batroolka oo uu arkay dhimashada dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidamada dawladda, iyadoo dhammaan dablaydii weerarka soo qaadayna la dilay.

“Waxaa wasaaradda ku sugnaa shaqaalihii wasaaradda qaarkood, laakiinse ma jiro cid ka tirsan shaqaalaha oo ku dhintay weerarka, waxaase ku dhaawacmay lix ruux oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda,” ayuu yidhi mar kale goob-joogeahaasi shaqaalaha ka tirsan.

Balse, wararka madaxa-bannaan ee la helayo ayaa sheegaya inay ku dhinteen weerarkaas qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddihii halkaas ku shaqaynayay, kuwaasoo magaciisa lagu sheegay Ismaaciil Xalane oo hore u ahaa suxufi ka hawlgala Muqdisho.

Sidoo kale, madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Ambulance-yada Muqdisho, Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Aadan oo isna la hadlayay VOA-da ayaa sheegay inay ka qaadeen goobta uu weerarku ka dhacay maydadka 15-qof iyo dhaawaca 20-qof oo shacab ahaa.

Ugu dambeyn, afhayeenka wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa isna sheegay in weerarka lasoo af-jaray oo ay ciidamada dawladdu ka hor-tageen kooxihii weerarkaas soo qaaday oo Al-shabaab ka tirsanaa.

 

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories