HomeWay Qalin-jabisay, Se Ma Qoomamo La’a! – Qalinkii Cabdifataax Sh Nuux

Way Qalin-jabisay, Se Ma Qoomamo La’a! – Qalinkii Cabdifataax Sh Nuux

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Cabdifataax Sh. Nuux

Qiyaas ahaan  waxay madaxa la galaysaa gugii 22-aad, waxay ku labisantahay dharkii qalin jabinta, waxoogaa murugo aan badnayn ayaa wajigeeda ma muuqda, hadaadse u sii fiirsato waad dareemaysaa inay u tahay maalin farxadeed, waxay wax dhigasho soo waday 16 sano,maantase waa maalintay qalinjabinaysay,waxay dhex- lugaynaysaa garoonka xawaadle ,waxayna saacadu ku sii siqaysaa abaaro 1:20 daqiiqo,waxaan aad ula yaabay gabadhan ku labisan dirayska ardaydii qalin jabinaysay ee hadana lugaynaysa xiligan cadceedu badhtanka taagan tahay ee shimbirhii godkooda galeen,boodhka dharkii madoobaa ee ay xidhnayd ka muuqday waad ka naxaysay,oo mararka qaarkood adaaba is odhanaya inanta ma miigii fogaa ayay ka soo gashay.

nasiibku uma saamixin inay hesho wehel walaalo ah oo u gargaara, waxay ku madiyawday dagaaladii wadankan ka dhacay, hal wiil ayaa la dhashay kiina dagaaladii ayuu ku dhintay, hooyo ma laha oo hooyadeed aduunyada way ka carawday,aabaheedna nasiiba umay helin inay dunida guudkeeda ku aragto, waa qaadaa ma dharagto, waxay la noolayd ayeeydeed oo soo korsaday, balse hada talax gabtay oo da’du ka soo if- baxday sariir yaalna ka dhigtay,nolosha waxay ku waday feedh iyo laag,waxay u lugayn jirtay jaamacada , waligeed lama arag iyadoo bas sii raacaysa, waligeedna lama arag iyadoo intay mac macaanle gashay xabad tufaaxa iyo koob sharaaba midna cunaysa ama cabaysa,dadka yaqaanaa waxay ku sheegaan inay tahay gabadh af -gaaban oo u dhalatay xishood,duruufaha dhaqaale ee wadankuna adhaxda ka jabiyeen, waxay sanadahaa waxbarashada ku soo waday calool adayg, may helin hal maalin qof dhiiri galiya oo garab istaaga,ardaydu markay qalin jabinayaan waxaa maalintaa garab istaaga qaraabadooda iyo dadka ehelka u ah,nasiib daro ehelka ay la dhalatay waxay u badan yihiin danyar iyagu toodii la ildaran, intii ardayda loo sudhayay ubaxyadam kaadooyadana la gudoonsiinayay iyadu gooni ayay u taagnayn,hal sawira oo xusuus u gala may helin ,waxaa hoosta kaga socday oo laabteda gubayay holac aanay xal u hayn inay damiso,walbahaarka iyo isku buuqa nafsiga ah ee ku furan muu ahayn mid ay qarin karto,qofnaba caad kama saarna caloolyawga ay ka cabanayso, cindigeedu se wuxuu soo saari laayahay Mucjisadani halkay kaga habsatay,suáalahaa ayaa sida hilaaca maskaxdeeda uga holcanaya,taas oo ay u laadahay wax jawaaba,se geesinimada gabadhan ka muuqatay waxay gayaysiisay inay qariso shakhsiyadeeda dhabta ah,waxa ay dadkoo dhan ka qarisaa dareenkeeda dhabta ah,dadka waxay tustaa dareen raaxo leh iyo jano gaaban oo qabow inay ku dhex jirto oo gabi ahaanba ka fog cadaabta iyo holaca laabteeda sida dabka uga holcaya, isku soo wada duuboo maalintii qabin jabinteeda waxay sii raacday basaska magaalada,waxaanay ka habsaantay daqiiqadihii hore ee xaflada,nasiibkuna uma saamixin inay hesho cid saacida oo markii danbena soo qaada ( Lift ),waxaase ilaahay wax loogu mahadnaqo ah in waxa ugu wayn ee ay maanta ku fikiraysaa tahay siday nafteeda maruun uga saari lahayd duruufan faqriga iyo silica ah ee sida hadhkeeda ama hugeeda in badan daba socday , waxaanay maanta hiigsanaysaa waxay waaligeed ku fikiraysay oo ah maalqabeenimo  iyo nolol barwaaqoo ah oo ay dhex mushaaxdo inta nolosheeda u hadhsan,waana hubaal In dadka sidaasi masiirkooda danbe uu ku waaro nolol ayaatiin leh, taasina waa mid ka mid ah ardayda ka qalin jabisay jaamacadaha dalka,gadaal fiiri, laga yaaba inay ku dabo taagantahay,hadaad u fiirsatana hadal kama taagna inaad garanayso.fadlan u duceeya danyarteena dadaalaysa inuu ilaahay garab galo taban taabiyana.

Qalinkii: Cabdifatah Sh.nouh jaamac (suldaanka)

Email: Samriye99@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories