Home“Way naga go’an tahay (Xukuumadda) waxaad rabtaan (Shacabka) ee ah gooni-isu-taaggiinna, midnimadiinna,...

“Way naga go’an tahay (Xukuumadda) waxaad rabtaan (Shacabka) ee ah gooni-isu-taaggiinna, midnimadiinna, madax-bannaanidiina inaanu ka shaqayno”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in ujeeddada kulanka ay wada-hadallada ku yeesheen madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ee magaalada Jabuuti ay ahayd mid lagu muddeynayey soo-gunaanadista wada-hadallada daba-dheeraaday ee u dhexeeya labada waddan.

Maxamed Biixi yoonis oo warbaahinta kula hadlayey madaarka magaalada Hargeysa, ka dib markii wefti uu ka mid yahay oo madaxweyne Siilaanyo u hoggamiyey waddanka Jabuuti ay dalka ku soo laabteen maanta, waxa uu sharraxaad ka bixiyey qodobbada ku xusnaa heshiis lix qodob ka kooban oo Somaliland iyo Somalia ku dhexmaray dalka Jabuuti.

DSC_0295“Waxa ugu muhiimsan ee meesha aanu u tagnay waxay ahayd inaanu ka wada-hadalno sidii loo dar-dargelin lahaa wada-hadalladii oo yar hakaday sidii wakhti gaaban arrimaha innaga dhexeeya Soomaaliya loogu soo afjari lahaa. Arrimaha ugu waaweyn ee aanu ka wada-hadalnay waxa ka mid ahaa sidii looga wada-hadli lahaa looguna dhiirran lahaa masiirka shacbiga Somaliland.

Labada madaxweyne waxay isla garteen in arrimahaa lagu dhiirrado oo aan laga joogsan, waayo qadiyadda Somaliland waxa go’aansaday shacbigeeda,” ayuu yidhi Maxamed Biixi.

“Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay oo isla garannay maadaama oo aannu annagu wada-hadlayno in dadku ina dhex-galo oo khaasatan waxaanu goynay in dowladda Jabuuti ay marag ka noqoto markii loo baahdo. Waxa kale oo aanu isla garannay wixii hore loogu heshiiyey oo Hawadu ugu horeyso oo ay dhowr jeer ka noq-noqdeen oo labada madaxweyne waxay isla garteen oo wada-saxeexeen in la fuliyo wixii lagu heshiiyey iyada (Hawada) iyo wixii la mid ahaa. “

Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxa kale oo aanu ku heshiinnay wax alla wixii dhaqaale ah, horumarin ah, dib-u-dhisid ah ee aynu u baahan yihiin in aan la siyaasadayn oo Somaliland u madax-bannaanaato inay mashaariicdeeda, horumarkeeda, dhaqaalaheeda iyo wanaageeda ka shaqaysato. Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay in sida ugu dhakhsaha badan aanu u qabanno shirkii bisha Feebarwari 26-keeda iyo 27-keeda.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka midho-dhalinayso rabitaanka shacabka Somaliland ee madax-bannaanidooda, waxaanu yidhi, “Waxaanu u mahad-celinaynaa dawladda Jabuuti, shacbigeeda iyo madaxweynaheeda oo gogosha noo dhigay, isu-kaaya keennay, ogsoonna shacbiga reer Somaliland waxay u baahan yihiin inay tahay midnimadooda iyo gooni-isu-taaggooda, mid laga noqonayana aan ahayn, taas oo aanu si aad iyo aad ah carrabka ugu dhufannay, una sheegnay in wakhti intaas ka badan umadda reer Somaliland marnaba aanay sugi karayn. Markaa Somaliland waxa ka go’an sida ugu dhakhsaha badan inaanu arrimahaas uga wada-hadalno, insha Allah waxaanu Illaahay ka baryeynaa inuu nala gacan qabto. Way naga go’an tahay (Xukuumadda) waxaad rabtaan (Shacabka) ee ah gooni-isu-taaggiinna, midnimadiinna, madax-bannaanidiina inaanu ka shaqayno oo aynu noqonno laba waddan oo jaar ah oo Islaam ah.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories