HomeWay dumisay!

Way dumisay!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Kaabadda saddexaad markaan lugta sidaa u soo saaray,ayaan maqalay buuq iyo sawaxan aad ah oo guriga ka yeedhaya.
Albaabku waa uu soo ceshanaa,waan riixay kolkaan lugtii u horaysay dhigay meeshi ay dhici lahayd, waxa isla halkaasi ku soo beegnaa loox aad u weyn oo daarrada gudaha laga soo tuuray.Waan anfariiray, oon naxdin kala qaboobay .

Si deg deg ah ayaan u idhi anoo yaaban, naa Filsan maxaa dhacay walal bisinkee? Maxaa dhici lahaa dee,hadalka yarayso ! Ayay si cadho leh ii tidhi.
Intaan labadeedda gacmood isku qabatay, ayaan ka qaaday loox kii la soo tuuray ka weyn musabiirna leh oo ay Mustafe u sidataya si ay ula dhacdo, in horana ay ula dhacdayba.

Dhankaa iyo albaabkii dibada ayay u dhaqaaqday yada oo cadho aad u badani ka muuqto wajigeeda , nayaa marwa inanta qaydkeedii ii keen, waryaa Axmedow soco innanka yar dhar igu soo xidh aabbaha doqonimada ka wase,ayay caruurtii si hanjaabad leh ugu soo kala tidhi.
Xaliimo oo buuqa daaradeedda ka maqlaysay ayaa daf soo tidhi , naa Filsan halkeed ilmaha xiligan u xambaaratay bisinkee ma dhiilo xunbaa la soo sheegay?

Walee in annan tanoo kale ku jiri doonin,una adkaysan doonin geeraan ka xigaaa, waa hadaladii ay nafteeda kula hadalaysay Filsan ka dib markay xaliimo su’aasha waydiisay.
Anfariir iyo yaab baa noo dhamaaday aniga iyo Xaliimo halkananu sidii ula qotonaa.

Dirir,cay iyo hanjabaad badan ka dib, naa anaa kaaga baxayee caruurtaada hayso , ayuu Mustafe oo badhamada shaadhka xidh xidhayaa qol nagag soo yidhi.

Ma joogaayo walay iga tahaye , taad soo heshay u keen caruurta ha kuu haysee amma waa aniga amma waa iyada gabadhaasi,guri kalood ku xarayso ha isku hawlin anna kan kuu baneeyee keenso, waa hadaladay Filsan ugu jawaabtay Mustafe.

Halkaa markay arrintu marayso ayan fahmay oon la qabsaday in uu Mustafe min yaraysatay ,Filsana hinaase dumar kiisi u doqonsanaa shidayo.
Way kaga dhabaysay Filsan in aanay gurigan ku sii nagaan ,wayna baxaday yadoo inantii yaraydana xamaratay,innankiina gacanta qabatay ,halka ay shantii kalana u bandhigatay waayahay oo ay badday hooyo la’aan.

Filsan walal shaydaanka naar, waxay ahayd kalmadihii aanu ku daalanay sidaanu ugu celcelinaynay, halka ay yaduna kolba si cadho badan leh noogu jawaab celinaysay,shaydaanba ima saaranee idinku iska naara.
Talo faraha ayay ka baxaday, Mustafe war wer addun ayaa maddax loo saaray, Filsana go’aankeedii u dambeyay waxa uu noqday amma anigaa oridaada ahaan amma iyadaa ahaan.

Mustafe dumarka kala doorashadooda lagu qasabayo waxa kaga kadeed badan, walbahaarka iyo calool xanuunka ka haysta awlaadiisa daycan tay ee hooyo la’aan sabab uu leeyahay ku noqday .
Hawraar soomaliyeed baa tidhaa:dani waa seeto, Mustafe waxa ay dantu baday in uu oridiisi cusbayad ee Najax furo.

Maranba kumuu niyada wanagsanayan in uu arrintaa sameeyo sidoo kale Najax raali kamay ahayn in ay dalqadi dhacdo yadoon aqal galin.
Filsan marnaba umaa ay aabbo yeelin reerka aya kala kaxaysay, kaliya wax u cadayda in ay Mustafe u kali ahaato amma ay kaligeed hesho.

Xaqiiqdii reerkii way dumisay, reerkeeduna ku sii dhisnaan maayo kalgacalkii iyo maxabadii hore ee ay wadaagi jireen yada iyo saygeedu, madaama oo ay luntay kalsoonidii iyo niyad wanaagii dhex yaalay.

 

W/Q:Hodan Aadan Maxamuud (Hodan Habi)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories