HomeWaxyaabaha Soomaalidu ku Qiimayso Af-miishaarnimada - W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waxyaabaha Soomaalidu ku Qiimayso Af-miishaarnimada – W/Q: Cali Cabdi Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

CALI COOMAYDadyowga ilaahay abuuray ma sina, sida faraheenu oo kale, qaarba waa cayn gaar ah.  Midbaa aqoon leh, midbaa jaahil ah, midbaa maskax fiican leh, midbaaa maan-gaab ah, midbaa xubinta hadalka yaqaan, midbaa munaafaqada xariif ku ah, midbaa beenta iyo huuhaada ku xeel dheer, midbaa iska hor-keenka ku talaxtagay, midbaa cayda iyo shakhsi weerarka ku takhsuusay, midbaa qabyaalad-cayga dugsi uga soo baxayIWM. Af-miishaarnimadu kuma xidhna gabayo iyo maahmaaho la tiriyo, balse waxay ku xidhan tahay hadalo iyo erayo xigmad iyo wax-fahansiin xambaarsan.

80% aftahnnimada waa dhasho, waana hibo ilaahay bixiyo, waa tii hore loo yidhi “ilaahayna la kala baryi og, hadalna la kala odhan og”. Balse waa la baran karaa, haddii la isku taxalluujiyo. Qofka doonaya inuu noqdo aftahan, waa inuu markasta dhagaysto khudbaha shakhsiyaadka af-miishaarka ah, amma akhristo buugta ay qoreen qorayaasha qallinka af-miishaarka ku ah ( qallin ku-hadle). Dhammaan arrimahani waxay qofka ka caawinayaan inuu si tartiib, tartiib ah, u barto aftahnnimada.

Af-miishaarnimadu meel kasta way gashaa, laakiin waa hadba siduu qofku u adeegsado. Waxaad bulshada ku dhex arkaysaa  qaybo badan oo aftahnnimo ah. Sida Kuwan oo kale: wadaad aftahan ah, siyaasi aftahan ah, aqoonyahan aftahan ah, tuug aftahan ah, qabyaaladiiste aftahan ah, budhcad aftahan ah, suldaan aftahan ah, macallin aftahan ah, caaqil aftahan ah, jaadle aftahan ah, kaari aftahan ah, weriye aftahan ah, hilible aftahan ah, ganacsade aftahan ah, dirawal aftahan ah, xamaal aftahan ah, arday aftahan ah IWM.

 

Waxyaabaha lagu qiimeeyo af-miishaarnimada

1.      Mar kastuu hadlayo, wuu qodobeeyaa hadalkiisa. Waanu soo koobaa, isagoo ujeedadii taabanaya.
2.      Mar kasta wuxuu noqda qof mowduuci ah, kama baxo mowduuca laga hadlayo. Mana dar-jiidho
3.      Mar kastuu sheekaynayo, wuxuu ku daraa sheekooyin xiiso leh, oo xidhiidh la leh mowduuca uu ka hadlayo

4.      Mar kasta oo uu khudbad jeedinayo, wuxuu ku bilaabaa waxaanay kuwuu ka horeeyey ku bilaabin
5.      Mar kasta oo sheekaynayo, wuxuu ku ladhaa hadalkiisa maahmaah, xigmad amma tix gabay ah, oo xawaasha iyo geedo u noqota hadalka
6.      Mar kasta wuxuu u hadlaa si furfuran, oo ay ka muuqato, kalsooni. Tusaale kasta oo soo qaato waa lagu qoslaa amma sacab badan ayaa loo tumaa
7.      Mar kasta hadalkiisu ma badna, waayo hadalka farah badani wuxuu lumiyaa xigmada iyo macnaha
8.      Mar kasta erayada xigmada xambaarsan meel fog kama doono, wuxuu ka soo qabtaa meel dhaw
9.      Mar kasta wuxuu la fadhiistaa odayaasha ka weyn, si uu uga barto taariikhdii hore iyo dhacdooyinkii dhaqan ee dadkii hore lahaaheen, si uu tusaale ugu soo qaato markuu hadlayo.
10.  Mar kasta hadalkiisu waa rimood, uu qofku doono ku kaxeeyo amma mawqifka uu wato kaga dhaadhiciyo. Isagoo adeegsanaya erayada beerlaxawsiga ah
11.  Mar kasta ciduu la hadlayo, ayuu sii baadhaa, waxay jecel yihiin inay maqlaan ayuu hadalkiisa ku badiyaa, si dadku ugu soo joogsadaan.

 

Cali Cabdi Coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories