HomeWaxqabadka Iyo Qorsheyaasha Wasaaradda Kalluumaysiga Ee Sannadkan (Q:2-aad)

Waxqabadka Iyo Qorsheyaasha Wasaaradda Kalluumaysiga Ee Sannadkan (Q:2-aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qormadeenii hore ee wareysiga agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee todobaadkii hore waxaynu kusoo qaadanay Wasaaradda kalluumaysiga iyo hawlaha waxqabad ee ay muddooyinkii u dambeeyay ku hawllanayd hirgelintooda, mashaariic kala duwan ee la xidhiidha ka faa’iidaysiga khayraadka badda iyo xeebaha dalkeena.

?????????????
?????????????

Qormadan waxaynu sidoo kale kusoo qaadan doonaa waxqabadka wasaaradda ee sannadkan ee ay wado wasaaraddu, waxaana tafaasiil inaga siin doona agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdi Axmed Nuur (Cabdi-gurey) oo hore inooga warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaarad ahaan, waxaanu yidhi. “Hawlaha imika socda ee ay wasaaraddu wado waxa ka mid ah, hawlo ay iska kaashadeen wasaaradda kalluumaysiga iyo hay’adda FAO, kuwaasoo ay ka mid yihiin tabobar loo wado toban qof oo isugu jira shaqaalaha wasaaradda iyo qaar shirkadaha kalluumaysigu soo xuleen, tobankaa qof waxay baranayaan sida doonyaha loo sameeyo, tabobar saddex bilood ah ayay qaadanayaan, saddexdaa bilood ka dib markay tabobarka qaataan tijaabaa laga qaadayaa, qalabkii lagu tabobarayayna way yaalaan, waxaana qorshaha ku jirta in la sameeyo soddon doonyood oo kalluumaysatada la siin doono.

Waxa kale oo socda dibu-dhis iyo hagaajin lagu wado dekedii hore ee Berbera ee Turkigu dhisay, dekedaas oo ugu yaraan laba qarni jirtay oo aan marna la dayac-tirin ayaa markii ugu horeysay la burburinayaa oo dib loo dhisayaa.  Waxa kale oo iyaduna jirta inaanu wixii hawl ahu fududaynayno shirkadaha kalluumaysiga ee soo kordhiyay qalabka casriga ah sida qaboojiyeyaasha iyo baraf-dhaliyeyaasha.

Mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland waa laba hawlood midi waa bariga oo waxaa loogu talo-galay deegaannada Maydh, Xiis iyo Conqor in laga dhiso dekedihii yar yaraa ee ay doonyaha kalluumaysigu kusoo xidhanayeen iyo qaboojiyeyaal, laakiin hawshaasi aad bay u gaabinaysaa oo ay cago-jiid u tahay ilaa hadda qoraalkii mashruucaas waa la isla gartay, laakiin weli hawsheedii may bilaabmin, waxaanay ka gaabisay dhinaca qolada gacanta ku haysa sanduuqaas SDF.

Dhinaca galbeedka Berbera waxa jira mashruuc kale oo balaadhan oo midawga Yurub bixinayo oo ilaa saddex milyan oo doolar ah, mashruucaas qiimayntiisii ugu horeysay ayaa la sameeyay, waxaana la sugayaa oo keliya in la bilaabo.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories