HomeWaxbarasho Tayo Leh: Yoolka Afraad ee 17ka Yool ee Adduunyadu Beegsanayso

Waxbarasho Tayo Leh: Yoolka Afraad ee 17ka Yool ee Adduunyadu Beegsanayso

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Yoolka afraad ee 17ka yool ee lagu sugaayo horumarka caalamka 15ka sano ee soo socda waxaa weeye ” Wax-barasho tayo leh ” Yoolkani wuxuu leeyahay 10 bartilmaameed oo ay tahay inay aduunyadu xaqiijiso si loo hubiyo ka dhabaynta gaadhitaanka yoolkan. natiijada ugu danbaysa ee yoolkan laga leeyahay waxaa weeye in dhammaan shucuubta caalamku helaan aqoon tayo leh oo ay wada baran karaan dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba.Halkan waxaynu ku soo turjunney 10ka bar-tilmaameed ee yoolkani leeyahay waxaanay kala yihiin sidan:

  • Waa in dhammaadka 2030ka la xaqiijiyaa in idil ahaanba ubadku (rag iyo hablaba) dhamaystirtaan wax-barashada asaasiga ah iyo ta dugsiyada sareba oo tayaysan; taasoo u horseedi doonta ubadka horumar waxbarasho oo  waara.
  • 2030ka waa in la hubiyaa in dhammaan ubadku (hablo iyo wiilalba) helaan daryeelka iyo barbaarinta caruurnimo oo tayo leh iyo wax-barashada dugsiga ka hor; si ay isugu diyaariyaan dugsiga hoose.
  • 2030ka waa in ragga iyo dumarkuba fursad siman u heli karaan dugsiyada farsamada gacanta iyo kuwa xirfadaha oo tayo sare leh iyo sidoo kale aqoonta heerka sare sida jaamacadaha iwm.
  • 2030ka waa in si weyn loo kordhiyaa tirada dhallinyarada iyo dadka waa-waynba ee leh xirfad ay ku shaqaystaan sida farsamada gacanta iyo xirfadaha oo ay ku helaan shaqo u qalanta iyo hal-abuurnimo ganacsi.
  • 2030ka waa in meesha alaga saaraa u kala sad-burinta wax-barasho ee wiilasha iyo gabdhaha (hablaha),  si loo hubiyo iney dhamman helaan wax-barasho iyo xirfado tayo leh, gaar ahaan dadka nugul oo ay ku jiraan dadka naafada ah iyo caruurta baahiyaha gaarka ah leh.
  • 2030ka waa in dhammaan dhallinyarada caalamka iyo badi dadka waaweyni rag iyo dumarba ka haqab beelaan qorista iyo akhrinta
  • 2030ka waa in la xaqiijiyaa in dhammaan bartayaashu (ardaydu) da’kasta oo ay yihiinba helaan aqoonta iyo xirfadda ay u baahanyihiin si loo hubiyo in lagu gaadho horumar sugan oo koraaya oo daaman qaada dhawrista xuquuqda aadamaha, u sinaanta lammaanaha ee fursadaha, horumarinta nabadda iyo codka dadka aan hadda xaqooda helin iyo in sidookale la isku ixtiraamo ee kala duwanaanshaha dhaqamada iyo caadooyinka iyo loo adeegsanaayo dhaqamadaa qayb ka noqoshada horumarka caalamka.
  • waa in la dhisaa lana tayeeyaa adeegga waxbarashada ee caruurta,  dadka naafada ah iyadoo laga eegaayo weliba dhinaca lammaanaha iyo abuurista goobo waxbarasho oo ku habboon.
  • waa in si weyn loo ballaadhiyaa tirada deeqaha wax-barasho ee caalamku siiyo wadamada soo koraaya, gaar ahaan wadamada koritaankoodu liito sida wadamada jasiiradaha yaryar iyo Afrika si loo xoojiyo is-qorista waxbarashada sare, oo ay ku jiraan xirfadaha iyo takhasusyada gaarka ahi; sida tiknologiyadda casriga ah, injineerinka, sayniska iwm.
  • waa in 2030ka si weyn loo kordhiyaa tirada macallimiinta tababarka sare leh ee caalamka iyadoo la xoojinaayo isu kaashiga caalamka ee tababarka macallimiinta wadama soo koraaya; gaar ahaan wadamada koritaankoodu liito iyo jasiiiradaha yaryar.

La socoyo yoolka 5naad

waxaa turjumay oo habeeyay

Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
063 4009009

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories