HomeWaxbarasho Tayo Leh Lama Heli Karo Macallinka Oo Aan La Daryeelin -...

Waxbarasho Tayo Leh Lama Heli Karo Macallinka Oo Aan La Daryeelin – W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHoggaamiyihii ama ra’isal wasaarihii hore ee waddanka Israel Mr Shimon Peres wuxuu yidhi: Dal kasta horumarka uu samaynayo ama samayn doono waxa laga qiyaasa tirada dugsiyada iyo jaamacadaha ka jira iyo tayadooda waxbarasho.

Waxaan u malaynaya in Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi isaguna sidaas oo kale aamminsan yahay, u fiirso khudbadihiisa inta badan wuxuu bulshada ku dhiiri geliyaa in xoogga la saaro waxbarashada tiro iyo tayaba oo fure u noqon karta horumarka dalka iyo ilbaxnimada bulshada.

Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniskuna iyaga oo ka duulaya siyaasadda dawladda sanad kasta ugu yaraan waxay qabtaan laba kulan oo heer Qaran ah, waxa ka qayb gala madaxda wasaaradda, aqoonyahanno ku xeeldheer cilmiga waxbarashada iyo khubaro ka socota hay’addaha caalamiga ah ee Somaliland ka caawiya dhinaca waxbarashada.

Kulamadaa oo maalmo qaata waxa lagaga dooda sida ugu haboon ee kor loogu qaadi karo tayada waxbarashada dalka oo cid kastaaba dareensan tahay in ay ka hoosayso heerkii loo baahna.

Dhammaadka kulanka waxa laga soo saara go’aamo iyo talooyin haddii la dabaqo wax ka tari kara tayaynta waxbarashada waxaanse marnaba la tixgelin oo laga warwareega in la tilmaamo doorka macallinku ku yeelan karo waxbarashada wanaagsan, yaala lama xuso mushaharka iyo duruufaha dhaqaale ee macallinka dugsiyada dawladdu maamusho.

Mudane madaxweyne ama wasiir shicibku ma rumaysto hadallada iyo ballanqaadyada afka ah ee madaxdu ku celceliso munaasibadaha qalin jabinta iwm laakiin, waxay rumaystaan ficilka iyo waxa ay indhahooda ku arkaan ee la qabanayo.

Runtii ma mooggani haynta iyo dhaqaalaha dalka, mana mooggani baaxadda baahiyaha jira hase ahaatee doodaydu waxay tahay in mudnaanta la siiyo nolosha macallinka si dugsiyada dawladdu tayo ahaan ula tartami karaan kuwa gaarka loo leeyahay; sidaas daraadeed madaxweynaha iyo wasiirka wasaaradda maaliyadda waxaan u soo jeedinaya in ay ku dhiiradaan in miisaaniyadda sanadkan (2020) mushaharka macallimiinta loo kordhiyo ugu yaraan wax u dhigma mushaharka laga qaato kuwa gaarka ah si loo joojiyo hayaanka macallinka fiican ee dhaqaale doonka ah.

Talo Bixin

In laga dhabeeyo balanqaadyadii xukuumadda ee ahaa in kor loo qaadi doono tayada waxbarashada iyo ‘sector-ka caafimaadka;

In macallimiinta mushaharka loo kordhiyo in ka dabooli karta baahiyaha aasaasiga ah.

In bilaha fasaxa macallimiinta la siiyo tababarro si kor loogu qaado xirfaddooda waxbarashada (in-service training).

In sanad kasta macallinka lagu qiimeeyo kartidiisa iyo sida uu ugu dadaalo ardayda.

In dugsiyada gaarka loo leeyahay ee wali ka caga jiidaya in ay ka mid noqdaan nidaamka waxbarashada JSL lagu khasbo in ay u hoggaansamaan xeerarka iyo amarrada wasaaradda.

In wasaaradda waxbarashada iyo sayniska laga bixiyo ogolaanshaha (admission) jaamacadaha dalka lagu galo.

Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories