Home“Waxbarashadii waxaad arkaysaa in wax badan laga qabtay, haddana ayaynaan gaadhin halkii...

“Waxbarashadii waxaad arkaysaa in wax badan laga qabtay, haddana ayaynaan gaadhin halkii aynu doonaynay in waxbarashadeenu gaadho” – Samsam Cabdi Aadan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Samsam Cabdi AadanHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta hor tagtay Golaha Wakiilada ee Somaliland, isla markaana ka jeedisay warbixin ku aaddan xaaladda Waxbarashada iyo Wasaaradda ay masuulka ka tahay.

Fadhigan oo uu Shir-gudoominayey Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/raxmaan Cirro) oo warbixin lagaga dhegaystay Wasiirka Waxbarashada Marwo samsam Cabdi Aadan, waxa ay kaga warrantay tirada shaqaalaha ay wasaaraddu shaqaaleysiisay muddadii ay wasaaradda Joogtay, waxaanay sheegtay in wakhtigan waxbarashadu marayso xaaladdii ugu wanaagsanayd.

“Marka aad maanta aad eegto, waxbarashadii waxaad arkaysaa in wax badan laga qabtay oo marka aad la socoto waxaad arkaysaa maalin walba waxa is beddelay iyo waxa ku soo kordhay. Haddana iyada oo ay sidaas tahay ayaynaan gaadhin halkii aynu doonaynay in waxbarashadeenu gaadho,”ayey tidhi Samsam Cabdi Aadn, waxaanay hadalkeedii sii raacisay, “Ha’yaddihii lacagta bixinaayey waxaanu ogaysiinay inaanay Wasaarada lacag ku soo shubin, markaa waxaanu kala saxeexanay laba sanno ilaa maamulku Xisaabaadku hagaago. Markii danbe iyaga ayay ku adkaatay oo baryo noola yimi inaanu lacagta ka qaadno oo aanu qaabkii hore kuwada shaqayno, markaa runtii waxay wasaaraddii noqotay inay tayo ka yeelato dhinacyadaas.”

Samsam Cabdi Aadan waxay kale oo ay faahfaahin ka bixisay sababta keentay in Iskuulada hoose iyo Dhexe laga dhigo bilaash, waxaanay tidhi, “Sababta keentay in Ardayda waxbarashadoodu ay hoos u dhacdo waxa naloo sheegay in macalimiinta iskuulada hoose ay intooda badani aanay lacag ka qaadan Wasaaradda waxbaarashada oo lacagta yar ee waalidku bixin jiray laga siiyo mushaharka. Markaa maamuluhuna uu qoron-karo Macalinka uu doonaa ama eryi karana Macalinka oo aan loo eegin aqoonta uu leeyahay iyo heerka ay gaadhsiisan tahay waxbarashadiisu oo maamuluhu eego qofkii lacag yar ka aq-balikara. Markaa Macalimiintiina ay u shaqo tageen Iskuulada Bareefadka ah, taas markii aanu muddo darisnay ayaa keentay in Iskuulada Hoose iyo Dhexe bilaash laga dhigo oo Macalimiintii ay dawladdu Miisaaniyadda ugu darto oo macalimiin la qoro. Muddadaas labada sanno iyo dheeraadka ah macalimiin saddex kun iyo dheeraad ah ayaa la qoray oo mushahar Dawlada ka qaata.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories