Home“Waxaynu Xisbiyada U Samaysanay Inaynu Kaga Maarano In Reer Walba Dhiniciisa Goosto”...

“Waxaynu Xisbiyada U Samaysanay Inaynu Kaga Maarano In Reer Walba Dhiniciisa Goosto” Sheekh Aadan Siiro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Somaliland kula taliyey inay Ummadda ka daayaan Khilaafaadka, si looga baaqsado Mushkilado amni daro oo Dalku waajaho.

sheekh-aadan-xaaji-m

Sheekha oo Khudbaddii  Salaadii Jimcaha kaga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Khilaafaadka Siyaasadeed ee Xisbiyada qaarkood u dhexeeya, ayaa ka digay in muranka iyo Hadallada Naxliga ah ee Warbaahinta ay isku marinayaan ay sii kala fogeynayaan Shacabka, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inay ka waantoobaan.

Sheekha Aadan-Siiro oo ugu horeyn ka hadlaya Musuqmaasuq iyo Maamul-xumo uu sheegay inay Somaliland ka jirto, ayaa yidhi, “Sunnuhu waa inaad nolosha fahamto, Sunnaha aynu ka hadlaynaa waa inaad fahamto haddaad qaadato Go’ ka dhexeeya Muslimiinta inaad Naar ku gelaysid. Maxaanu uga hadalnaa Boobka Hantida Ummadda ?, Maxaanu uga hadalnaa in waxa Dadka ka dhexeeya la ilaaliyo? waa asalka Ummadda, waa waxa loo sameeyay Khudbadda (Jimcaha)..”

Sheekhu wuxuu sheegay in Cid gaar ah la siiyey Dhul ay Dekedda Berbera lahayd, “Waa Maxay dhibta Ummadda haysataa, Dalkan waxa ka jira Maamul Xumo iyo Musuqmaasuq.

Berbera ayaan tagay anigoon Saddex Sannadood tagin, waan isbeddelay oo waan ilmeeyay markaan Dekedda tagay, Dekedda badhtankeedii-baa la qaatay, ILAAHAY yaab-buu kuu keenaya, Qof Damiir lihi (Waxaas ma sameeyo). Meeshan yaa qaatay..hebel oo ah Cisaabaadka Dalka haysta, halkana yaa qaatay, Hebel oo ah kuwa wax la qabsada (Cisaabaadka). Dhul aan ku qiyaasay 1000 Mitir oo ah Dhulkii Dekeddu lahayd weeye (Dhulka la qaatay).”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay Khilaafaadka Siyaasiga ah ee Xisbiyada Somaliland qaarkood, “Nimanka Xisbiyada Hoggaaminaya waxaanu kula talinaynaa Waar Dadka Khilaafka ka daaya, Dalka waa la wada leeyahay oo Cid gaar u lihi ma jirto, Ummadda waxaanu u sheegaynaa waxaan la taaban karin baa jira, Somaliland ahaan waxaynu ku heshiinay Cid taaban kartaa ma jirto, Wadaad-baan ka bixi karin, Guurtida ayaan furi karin, Baarlamaanka ayaan furi karin, fulinta ayaan furi karin, Waayo? Dastuurkeena waxa u codeeyay 97%, markaa Somaliland waa aasaasiyaadka aynu ku heshiinay ee aynu ku wada joogno.”

Sheekhu waxa kale oo uu sheegay, “Ninka Maanta ku baaqaya in Dadka Qabaa’il loo kala fadhiisiyo, oo Reero laga sheekeeyaa wuu dhacay, oo maaha kii sii wada karayey ee loo baahnaa. Wuxuu doono ha ahaado ee Ninka Maanta doonaya inuu sameeyo Xisbi reereed waxaanu leenahay habeen maad jirin, Somaliland-na sidaa kuma shaqeynayso. Ninka intan soo kala gur-gurayoow meel madhan baa haysaa, Waayo? Waxaynu Xisbiyada u samaysanay inaynu kaga maarano in reer Walba dhiniciisa goosto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Ninka Somaliland wax ka sokeeya wadoow adeer iska daa’ Talada Dadkan.”

 

Somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories