HomeWaxaynu U Soconaa WadDadii Halaagga - W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

Waxaynu U Soconaa WadDadii Halaagga – W/Q: C/Raxmaan C/Laahi (Wirdaani)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

WIRDAANIDalkani waa dal khayraad badani ku duuganyahay, wuxuu leeyahay xeeb dheer, xoolo badana waa ay ku noolyihiin,dhirtiisu waa teel-teel, roobna wuu helaa sanadka dhexdiisa, cimiladiisu way fiicantahay, dhulkiisuna beerashada  waa uu ku fiicanyahay, su’aasha waxay tahay ‘se maka faa’idaystaan khayraadka yaal wadanka dadka ku dhaqani?

XEEBTA DHEER

Badda way sheegtaan, faa’idana uma laha, wayna ku garab gaajoodaan iyadoo kaluun dhex boodboodayo,waxay sugaan hay’add u timaada oo u soo saarta, oo u shiisha oo afka ugu gurta, oo afkana afmaris ka marisa, baddana waxay ka dheefaan kulayka xeebtu leedahay.

XOOLAHA.

Xoolaha saddexdooda qaybood lafdhabar ayey u yihiin dhaqaalaha waddanka, wax dhaqaaleyn ah oo lagu taakuleeyaana  ma jiraan xoolaha, caafimaadkooda cidna ma daryeesho, wakhtigii hore waxa loo samayn jiray seerooyin si ay u daaqaan, waxa kale oo loo samayn jiray meelo xoolaha lagu dhibeeyo,  waxa kale oo jiray meelo karantinimeeyo, waxa jiray seerooyin barwaaqo ah oo abaarti xoolaha la daaqsiiyo, hadda se dhulkii ay daaqi jireen waa lawada ooday, dhulkii ay daaqi lahaayeena waa lawada sheegtay, laamihii ay goosan lahaayeen dhuxul ayaa loo badalay, xoolihiina iyadoon waxba la gashan ayey noqdeen qaar manfac laga sugo.

ROOBKA.

Nimcada Eebe way ku da’daa dalkan, runtii waana lagu diirsadaa waana lagu qabawsadaa, cidkastaana way ku mahadisaa, dhulkii muddo u  oomanaana  wuu dhargaa, meeshii boodhku ka duulayeyna cagaar ayey isku badashaa, intaasiba waa nimco Alle, laakiin su’aashu waxay tahay umaddani maka faa’idaysataa?, roobkuu wuu da’aa, isagoo socdana wuu dhaafaa, dhaamam ay ku qabtaan umay samaysan, harooyin malaha, meel biyo fadhiisin u noqotana hadalkeeda iska daa, xataa baryihii hore guryahaya ayaa la arki jiray iyadii oo roobka waxa loo dhiganayo, hadda tiina waa laga tagay, iyagoon biyahaa dhaafaya qabanayn ayey hadana ka cawdaan biyo la’aan, cod dheerna ugu yeedhaan hay’adaha si ay biyo ugu soo saaraan,waana kaaf iyo kala dheeri.

BEERAHA.

Beeraha oo la faqaa lana goostaa midhaha ka soo baxa waa waxyaabaha ugu mudan ee umaddi ku faanto, beeruhu waa waxyaabaha aasaasiga u ah umaddan, beeruhu waa shay kor u qaada dhaqaalaha dal iska leeyahay, hadaba dalkan iyo umaddan Eebe wuxuu ku galadaystay dhul wacan iyo deegaan fiican, Rabi wuu waraabiyaa sanadka qaybtii, nimcadaa da’aysa ugama faa’idaystaan beeraha, ciidda uu Rabi dhigay dhulkan waa mid fiican oo loogu tala galay beeraha, intaas iyagoo haysta hadana way ka mooganyihiin, manta roob la’aan ma jirto, dhulkii la beeri lahaa lama la’a, su’aashu waxay noqon aaway dadkii ka shaqaysan lahaa?.

CIMILADDA.

Cimilada waddakani way wacantahay, waa mid wanaagsan, dadka ku nooli finaanado kama xidhaan baraf, AC-yana kuma furtaan baabuurta, runtii waa lagu soo hirtaa, mid laga cararana ma istaahilo, manta meelaha qaar waa laga laayahay, nasiib wanaag  dadkan ayuu Rabi siiyay  cimiladaa wacan,  laakiin su’aashu waa  nimcadaa Rabbi ku mannaystay ma dareensanyihiin?.

GUNAANAD.

Ciwaanka maqaalakaygu waxaan uga dhigay ‘’ WAXAYNU U SOCONAA WADADII HALAAGA ‘’, gunaanadkaygu waxa weeyi hadaynaan iska badalin qaabka ay noqotay nolosheenu runtii waxaynu dhabaha saari wadadaa halaaga ee aan sheegay, Eebana koreeye quraankiisa wuxuu ku sheegay inaanu umadd badalin ilaa iyadu is  badasho mooyaane, hadaba isbadal hadii aan keeno maahee inta ka horaysa waxa loo socon wadadii halaaga.

wirdaani@hotmail.com

Al pha Univtersity

Hargaisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories