HomeWaxaynu Noqon Dad xumaanjecel, Haddaynaan ka Mahadnaqin Waxtarka Imaaraadka Carabta

Waxaynu Noqon Dad xumaanjecel, Haddaynaan ka Mahadnaqin Waxtarka Imaaraadka Carabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ummad walba waxa dhigaal u noqda waxay qabsato, ama cid kale ka caawiso, loona baahan yahay inay ilaashato, isla markaana af iyo adinba ku taageerto intii qeyb ka qaadatay gaadhitaanka hadafkooda.

Hadaan u soo laabto dulucda maqaalkan, waxa mudooyinkii u dambeeyey si weyn aynu ula soconay waxtar dhinacyo badan leh oo xukuumada Imaaraadka Carabta u fidinayeen, ama u balanqaadeen inay ka fuliyaan Somaliland, oo dhinacyo muhiimad weyn u hel bulshada ka mid ahaayeen, sida biyaha, caafimaadka waxbarashada, iyo dhinacyo kaleba.

Horta ilaahay baynu mahad u celinaynaa inoo qoray helitaanka kaalmooyinkaa, marka xiga, waxa lagama maarmaan ah inay uga mahadcelino dadkii ka dambeeyey, ama hormoodka u ahaa inaynu helo, oo ugu horeeyo Madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilanyo iyo xukuumadiisa, oo abuurtay fursada aynu xidhiidh iskaashi qiimo leh inoo dhexmaray wadammo badan oo dalka Imaaraadku ka mid yahay, isla markaana aynu aragno dhaxalka aynu immikaba ka faa’iidnay talaabada ay qaadeen.

Sidoo kale, waxa in looga  mahadceliyo mudan, safiirka cusub ee dhowaan Somaliland u magacowday dalka Imaaraadka Carabta, Md. Baashe Cawil Cumar, oo muddadii koobnayd ee uu xilkaa hayey, dhab ahaan ay muuqatay sida uu u gutay waajibkii saarnaa, una abuuray jawi iyo isfaham aynu yeelanay dalka loo xilsaaray, isla markaana uu dalka iyo dadkaba ugu soo helay waxtar iyo mashaariico, la’aantii aanay suurtagasheen, ama aynu odhan karno, hadaanu la iman dedaalo dheeraad ah aan ku imaadeen wakhti kooban.

Haddaba, waxa caado u ah qof walba inuu uga abaalceliyo qofkii waxtara, haba yaraato waxtarkaasiye, laakiin, bal ka warama bulsho dhan oo weli aynaan arkin iyagoo uga mahadcelinaya dadkii iyo dalkii waxtaray, mise waxaynu odhan karaa, waxtar gebi ahaantiiba bulshada reer Somaliland uma baahna? Xaqiiqdii, way u baahan tahay, laakiin waxaad moodaa inaanay ku baraarugsanayn, ama qof walba ku eegayo qof kale inuu kaalintaa buuxiyo, balse la moog yahay inay tahay waajib qof walba saaran inuu wanaaga dhiirigeliyo.

Waxaan ugu baaqi lahayn ummada Somaliland guddo iyo dibedba inay kaalin ka qaataan sidii dalkoodu horumar iyo wanaag u gaadhi lahaa, isla markaana qof walba kaalinta kaga beegan u buuxin lahaa, oo qof kastoo wax wanaagsan u qabta, haba ahaato waajib saarnaaye, inaynu uga mahadcelino, ilayn haduu wax xumaan ah sameeyaba waynu ku dhaliili lahayne, inkastoo ay jiraan dad badan oo wanaag la sameeyo ka jecel inay arkaan xumaan la sameeyo si ay ugu dhaliilaan qofka sameeyey, oo xumaanjecel aynu ku magacaabi karno.

Ugu dambayn waxaan odhan lahaa, abaalweyn ayaan madaxda iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta ugu haynaa waxtarka dhinacyada kala duwan ee ay u qabanayaan shacabka reer Somaliland, taasoo keenaysa inay dareemaan sida loo dareensan yahay abaalkooda, looguna mahadcelinayo, oo sababi karta inay sii kordhiyaan, insha alaah. Sidoo kalena waanu ogsoon nahay masuuliyiinta kaalinta ka qaatay helitaanka waxtarka UAE oo ugu horeeyo safiirka Somaliland Md. Baashe Cawil Cumar, abaalna waanu ugu haynaa, waxaanan leenahay, haka daalin inaad dalkaaga iyo dadkaaga ugu hiiliso aqoontaada adigoo gudanaya waajibka ku saaran, waxtar kastoo aad soo kordhisana aduunkana abaal ayaaad kaga heli ummada, aakhirana ajarkeeda Ilaahay baa ku siin. Aamiin.

Maxamuud Cali Sheekh Maxamed (Walaaleye)

Tell. 00-252-63-4001235
Freelance Reporter
http://www.funca.info/
Hargeisa- Somaliland
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories