Home"Waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka...

“Waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah” – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland oo ka qayb-galay shir-weynaha 6aad ee Dallada Ururrada aan Dawliga ahayn ee SONSAF

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta ka qayb galay shir-weynaha 6aad ee Dallada ay ku midoobeen ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Ugu horayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali waxa uu hambalyeeyay hoggaankii hore ee dallada, waxaanu ku bogaadiyay waxqabadkii baaxada lahaa ee ay la yimaadeen muddadii ay xilka hayeen iyo kaalintii shariifka ahayd ee ay kaga jireen hawlaha u baahan in laga wada shaqeeyo, isagoo guul ku tilmaamay in dallada SONSAF la soo dhex mariyo qayb ka mid ah dhaqaalihii guddida doorashada ay ugu tal-galeen qaadhaan-bixiyayaashu.

blankGuddoomiye Aadam ayaa sheegay in baahi waddanku u qabo ururro badan oo wadanka ka hana-qaada. Hase yeeshee waxa uu xusay in sababta u weyn ee ururrada curyaamisay tahay dhaqaale yaraan, loona baahan yahay in daraasad lagu sameeyo meelaha laga keeni karo dhaqaale lagu hago. Guddoomiye Aadam ayaa u hogo-tusaaleeyay dallada SONSAF iyo ururrada kale in ay ka hawl-galaan sidii ganacsatada dhaqaalaha ay ugu talo-galeen bulshada, qayb ka mid ah loogu bad-baadiyo ururrada faa’iidada bulshada u leh ee u baahan dhaqaale ay ku sii shaqeeyaan, maadaama ay ganacsatadu qayb ka yihiin dallada ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF.

Guddoomiye Aadam Xaaji Cali ayaa sheegay in aynu ka mid nahay waddamada ugu qanisan xaga ururrada bulshada rayidka ah, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Marka Afrika la sheegayo ama qaarado badan oo Dunida ah la sheegayo sida qaarada Eeshiya iyo Laatin Ameerika, waxaynu nahay waddamada ugu caansan ee ugu qanisan xagga ururrada bulshada rayidka ah”.

blankGuddoomiyaha ayaa tusaale u soo qaatay daraasado ay waddanka ka sameeyeen khuburo ka socday, xarun ku taala Koonfur Afrika oo ka shaqeeysa arrimaha xuquuqul insaanka iyo dimuqraadiyadda Afrika, taasi oo Somaliland, Sera Leone iyo Rwanda daraasado ku samaysay. Guddoomiye Aadan waxa uu sheegay in daraasadda lagu sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada sida Dawladda, Ururrada bulshada, Ganacsatada, Hay’addaha gaarka ah, Culimada, Cuqaasha iyo Salaadiinta taasi oo ay natiijadeedii noqotay in Somaliland ay tahay marka loo eego Afrika, Eeshiya iyo Laatin Ameerika wadamada ugu horumarsan xagga ururrada bulshada. Waxyaabaha ay ugu sababeeyeen ayuu guddoomiyuhu ku sheegay baaxada dalladaha, kuwaasi oo ay hoos yimaadaan 60 meeyo urur ama in ka badan.

Ugu danbayn guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka hadlay baahida waddanku u qabo in la abaabulo cududda shaqaalaha waddankeena iyo qorshaynta ay u baahan yihiin, si loo cidhib-tiro shaqo la’aanta, loona badalo hab-fikirka bulshada looguna tayeeyo xirfadaha ay u baahan yihiin si looga hortago in muwaadiniintii waddanku bilaa shaqo noqoto shisheeyihiina kala wareego saaxada shaqada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories