Home"Waxaynu Nahay Dalka Qudha Aan Dunidu Aqoonsan Ee Shirkadihii Caalamku Shidaalka Sahamintiisa...

“Waxaynu Nahay Dalka Qudha Aan Dunidu Aqoonsan Ee Shirkadihii Caalamku Shidaalka Sahamintiisa La Galeen, Waxaanay Taasi Ku Timi…” Maxamed Kaahin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Arabsiyo (SL.Post)  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland uu ka mid yahay wadamada aan aqoonsi caalamiya ka helin beesha caalamka,waxaanu tilmaamay in dalka Somaliland ay heshiisyo kala duwan la gashay shirkado uu xusay inay danaynayaan shidaalka ku duugan dalka.

dsc_0285-jpg029

 

 

Maxamed Kaahin waxa uu sidan ku sheegay kormeer isaga wefti ka tirsan Xukuumadda iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay ku tageen degmada Arabsiyo waxa kale oo uu sheegay in Arabiyo ay ku suntan yahay taariikhda Somaliland oo ay ka soo jeedaan masuuliyiin ku suntan taariikhada Somaliland.

 

 

“Waxaynu nahay dalka qudha ee aan dunida cidi aqoonsan ee shirkadihii caalamka ee shidaalka sahamintiisu ay heshiis la galeen, waxaanay taasi ku timi oo lagu aaminay barnaamijka iyo siyaasadda hoggaaminta KULMIYE uu dalka ku hago, dhawaanna waxa uu xisbigu diyaariyey oo aqoonyahanka xisbiga ku abtirsadaa soo bandhigi doonaan barnaamijkii siyaasadeed ee  dawladda dambe ee Muuse Biixi Cabdi ku shaqayn doonto oo kan iminka oo la sii ambo-qaaday ah.” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE

 

 

Md. Maxamed Kaahin Axmed waxa uu intaas ku daray,  “Xasan Yoonis Habane waa halyey taariikhdii SNM ragga ugu mudan ahaa, dugisigii sare iyo Jaamacaddiiba isku arday baanu ahayn, taariikhna wuu leeyahay oo waa taariikh qarane mid qabiil maaha, wixii cabasho ah ee jirtana waa mid aynu wada qabnee waanu ka wada shaqayn doonaa guddoomiyaha gobolka.”

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories