Home“Waxaynu ku fikiraynaa inaynu ku noolaano meel warbaahintu xor tahay, laakiin cidda...

“Waxaynu ku fikiraynaa inaynu ku noolaano meel warbaahintu xor tahay, laakiin cidda koowaad ee ay u gurmanaysaa ay tahay inta jilicsan”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim oo ka mid ah Culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa talooyin xambaarsan hoga-tusaaleyn iyo dar-daaran u jeediyey Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Sheekh Almis Yaxye Xaaji IbraahimSheekh Almis waxa uu warbaahinta madaxa-bannaan ku boorriyey inay dhiiri-geliyaan isla markaana xoogga saaraan gudbinta dhawaaqa iyo xannuunka bulshada jilicsan ee dhibaatadu haysato.

Sheekha oo todobaadkii hore hadal dar-daaran iyo tusaaleyn ah ka jeediyey kulan lagu faaqiday caqabadaha warbaahinta horyaala iyo sidii xal loogu heli lahaa oo daladda SONSAF soo qaban-qaabisay, waxa uu sidoo kale xukuumadda u hoga-tusaaleeyey faa’iidada ugu jirta dhaliilaha maamulkeeda loo jeediyo.

 “Kalmadu illaahay agtiisa qaali bay ku tahay, kelmad ayaa janada lagu galaa, naartana kalmad ayaa lagu galaa, kalimatu Tawxiid. Nabi Muxamad NNKHA Konton maalmood ka hor dhimashadiisii waxa uu yidhi, ‘kelmad baa janno lagu mutaystaa, kelmadna naar baa lagu mutaystaa’, Isaga oo maalin saxaabadiisii la fadhiya ayaa waxa uu yidhi Axadkiin kelmad uu ku hadlaa Illaahay bay cadho galisa, isagu ma oga oo naar buu ku mutaystaa, Axadkiina kelmad buu ku hadlaa ama qoraa kelmadaasi  illaahay bay farxad galisaa, isagu ma oga, Januu ku mutaystaa,” ayuu yidhi Sheekh Almis, waxaanu yidhi isaga oo hadalkiisa sii watay, “Maamulka jooga iyo ku soo socdaba marka laga hadlayo ee saxaafad lagala hadlayo amase lagula hadlayo qaab suugaaneed, duruus, khudbado, cilmi baadhis iyo aqoonba waxay tahay in maamulku u qaato kelmadii Cumar binu Khadaab yidhi ee ahayd “Illaahay haw naxariisto qofka hadyad igu siiya ceeb aan leeyahay’, markaa anniga maanta meel aan joogo laygu yidhaahdo waxaas iyo waxaas ayaa kaa khaldan colaad iyo xumaan uma qaadanayo ee waxaan odhanayaa wuu kula toosinayaa malaha. Markaa maamulka waxaan leeyahay haw qaataan sidaasi. Waayo Cumar Binu Khadaab madaxweyne ayuu ahaa oo adduunka dalool ilaa laba dalool ayuu ka talin jiray.”

Sh. Almis oo ka hadlayey doorka saxaafaddu ka geysan karto ka-qayb qaadashada baahiyaha haysta bulshada inteeda jilicsan, waxa hadalkiisa ka mid ahaa, “Saxaafada waxaan leeyahay inta jilicdasan iyo inta dhibaataysan dadkaaga Taahooga iyo Xanuunka ka baxaya noqo codkii qaadi lahaa, oo ha noqon mid lagu shubto.

Anniga arrin ayaa bishii ugu danbaysay iga soo martay saxaafada dalka oo aan shaqsiyan la yaabay; Inan yar oo xafiis hay’adeed ka shaqayn jirtay oo shaqaalahoodii ay si iskugu  dhac dhaceen, taaheedii iyo xanuunkeedii ayey doontay inay u sheegto saxaafadda.

Wargeysyada dalkeena kuwa ugu waa weyn ayaa ka shaqeeyey inay Inantaa yar ku xidhaan xanuunkeeda iyo dhawaaqeeda aanu kor u soo bixin, $100 ilaa $300 oo meel loogu dhajiyey awgeed,” ayuu yidhi Sheekh Almis.

Sheekha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Gabadh madow oo Maraykan ah oo kortay bas dad cadi saarnaayeen ayaa dirawalkii ku yidhi ka deg kursigaa inaad ku fadhiisato xaq uma lihid. Gabadhii way diiday inay kursigaasi ka degto, waxay noqotay inay hogaamiso xorriyad-doonkii dumarka madow ee Maraykanka. Gabadhaasi weedheeda iyo taaheega Warbaahintaa Qaaday oo gudbisay, oo meel walba gaadhsiisay, sidaasi darteed, waxaanu ku fikiraynaa inaynu ku noolaano meel warbaahintu xor tahay, laakiin cidda koowaad ee ay u gurmanaysaa ay tahay in mujtamaca ugu jilicdasan ay arkaan inay u iman karaan oo ay u sheegan karaan una qaadi karaan dhawaaqooda iyagoon shilin haysanin,” ayuu yidhi Sheekh Almis.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories