Home“Waxay taariikhdu ina bartay in ummadda aan lahayn oday-ka-sheekee ama ka goblanta...

“Waxay taariikhdu ina bartay in ummadda aan lahayn oday-ka-sheekee ama ka goblanta dhaqan iyo taariikh ay lahayd, ay hayso Dhabbihii Tasowga iyo is-waaga”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SOMALI HERITAGEMuddo ku dhow rubuc qarni looma dhaqaaqin, lama xusuusan, il-naxariiseedna laguma eegin dhaxalkii ugu mudnaa ee ay ummaddani lahayd oo ah afka, dhaqanka, fanka, iyo suugaanta. Rubuc qarnigaasba waxa la kabayey oo la gufeynayey qabyadii kale ee dalka taallay oo u badnayd mid maaddiya iyo mid duleed oo nolol lagu raadinayey; sidaana waxa ku lumay aayihii, aqoontii, sooyaalkii iyo dhaxalkii ma-guuraanka ahaa ee dadka iyo dalku lahaa oo ah afka, dhaqanka, fanka iyo suugaanta.

Waxay taariikhdu ina bartay in ummadda aan lahayn oday-ka-sheekee ama ka goblanta dhaqan iyo taariikh ay lahayd ay ummaddaasi hayso dhabbihii tasowga iyo is-waaga.

Haddaba markii aanu aragnay baahidaas guud iyo taa gaar ahaaneed ee loo qabo bad-baadinta hiddaha iyo soojireenka ummadda,

Markii aanu ku baraarugnay sida looga sii caydhoobayo dhaqankeennii ma-dhaafaanka ahaa, sida looga sii fogaanayo suugaanteennii hodanka ahayd, iyo sida uu halista ugu jiro afkeennii hodanka ahaa,

Ayaanu annaga oo ka duulayna xikmaddii ahayd kunka tallaabo waxa ay ka bilaabmaan hal tallaabo,

Go’aansannay in aanu isu dirno hawshan baaxadda weyn leh ee u baahnayd gurmad Qaran oo shicib iyo dowlad, miyi iyo magaalo, rag iyo haween, gudo iyo dibad, aan loo kala hadhin hirgelinteeda iyo hanashadeedaba.

Sidaa ayaanu ku aasaasnay Xaruntan Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xaruntani waa mid seeska u dhigaysa ka jawaabidda baahidaa ma-dhaafaanka ah ee aynu soo xusnay ee dhammaanteen waajibka inagu ah, Waa baahi dal iyo mid dadweyne oo ku qotonta badbaadinta afka, hiddaha, dhaqanka iyo suugaanta maanta faraheenna ka sii baxaya. Waa baraarug iyo caroog gurmad u ah sooyaalkii iyo dhawrtadii ummaddani lahayd ee maanta halista ku jira.

Xaruntani waxay leedahay ujeeddooyin iyo mabaadii lagu unkay hal-abuurkeedii koowaad oo ka turjumaya baahida loo qabo Xaruntan.

Ujeeddooyinka Xarunta

Xaruntu waxa ay u xil-saaran tahay:-

  1. Keydinta dhaxalka dhaqanka, suugaanta, iyo fanka Soomaaliyeed,
  2. Ururinta dhaqanka, fanka, farshaxanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,
  3. Dhiirri-gelinta guud ahaanba qoraalka, dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,
  4. Ururinta hal-abuurka iyo cilmi-baadhayaasha ku hawlan dhaqanka, fanka iyo suugaanta,
  5. Turjumidda dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaaliga ah iyo dhiggooda qalaadba,
  6. Samaynta raad-raacyo iyo cilmi-baadhisyo qoto-dheer oo lagu raadinayo qaybaha tasoobay ee dhaqanka, fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed,

Xaruntani waxay yeelan doontaa dhismaheeda iyo hoggaankeeda, iyada oo la raacayo Xeerka loo dejin doono.

Laga bilaabo Caawa oo madashan bilan lagaga dhawaaqay, sidaas ayay Xaruntani ku hawl-geli doontaa innaga oo hareeraha hayna. Ilaahayna ha inala qabto.

Wa Billaahi Towfiiq

Aasaasayaasha Xarunta Dhaqanka, Fanka iyo Suugaanta ee Jamhuuriyadda Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories