Home“Waxay muran joogta ah ka dhex abuurtay, galaafatayna Wasiirro ay ka mid...

“Waxay muran joogta ah ka dhex abuurtay, galaafatayna Wasiirro ay ka mid ahaayeen Dr Gabboose iyo Duur”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Diifta iyo basaasta innaga haysata Madaxda laamaha Nabadgelyo ee dalku waxay si too ah uga muuqataa guud ahaan Hay’adaha amni ee Qaranka siiba Wasaaradda Arimaha Gudaha oo ay maamulayaan dad aan u qalmin, waxaana tusaale cad innoogu filan (Fadeexaddi ABBOKOR GATE).” – Xisbiga UCID, WAR-SAXAAFADEED.

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa deyro xooggan ka muujiyey xaaladda Ammaan ee dalku wakhtigan ku sugan yahay oo ay ku dhaliileen xukuumada uu hoggaaminayo inay ka gaabisay sugidda ammaanka dalka.

Xisbiga UCID waxa uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay dib-u-eegis ku samayso laamaha Ammaanka ee dalka isla markaana ay ka hawl-gasho sidii loo ururin lahaa khubarada ku xeelka dheer hawlaha nabad-sugidda si looga badbaado godalooloyin wax lagu yeeli karo Ammaanka dalka.

ucidSidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID Mustafe Sheekh Cismaan Cali, waxaanu war-saxaafadeedka xisbiga UCID oo xukuumadda talooyin loogu jeediyey u qornaa sida tan:- “Tan iyo intii uu jiray Taliska Madaxweyne Axmed Silaanyo, waxa isa soo tarayey xaaladda Amni xumo oo lid ku ah Qarannimada, Dowladnimada iyo Wadajirka Ummadda Somaliland oo aan weli ka helin Ictiraaf buuxa Beesha Caalamka.

Xisbiga UCID markuu si qoto dheer ugu kuurgalay Xaaladda Amni ee Dalka, waxa noo caddaaytay in Sumcad xumida nabadgelyo ee Dalka ku habsatay ay mas’uul ka yihiin Madax katirsan Hay’adaha Qaranka ugu sareeya Qaarkood oo aan ilaa hadda la fahmin cidda ka dambaysa.

Xisbiga UCID waxa kale uu baadhitaan dheer kaddib ogaaday in Laamaha kuwa ugu muhimsan Qarankan aanay u shaqayn sidii loo baahnaa, Madaxda loo igmaday Awgeed, kuwaas oo aan lahayn Khibradii iyo waayo aragnimadii lagu agaasimi lahaa Hawlaha nabadgelyo ee dalka.

Magacaabista Hay’adaha Amnigu waa xasaasi marka loo eego Kuwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha Bulshada, waana arrin u baahan dhugmo dheeraad ah oo ay lagama maarmaan tahay in lala tashado Xeel dheeryaaasha iyo saraakiishii waayo aragga ahayd oo maanta dalka iska jooga iyagoo aan wax tixgelin ah la siin.

Diifta iyo basaasta innaga haysata Madaxda laamaha Nabadgelyo ee dalku waxay si too ah uga muuqataa guud ahaan Hay,adaha amni ee Qaranka siiba Wasaaradda Arimaha Gudaha oo ay maamulayaan dad aan u qalmin,waxaana tusaale cad innoogu filan (Fadeexaddi ABBOKOR GATE).

Waxa intaa dheer oo Xisbiga UCID aad uga soo horjeedaa Qaabka Wasaaradda Arrimaha Guduhu u shaqayso iyadoo ay muuqato jaho-wareer Habka kala agaasinka Shaqada ee laamaha Nabadgelyada. Waxaana xaalka sii murgiyey waxa loo bixiyey Wasiir ku xigeenka Amniga oo innoogu horreeyey Magacaabistii Wiilkii yaraa ee Cabdoilaahi Abbokor. Waxayna muran joogta ah ka dhex abuurtay Galaafatayna Wasiiro ay ka mid ahaayeen Dr M.A. Gabboose iyo Duur Carraaleba.

Nabadgelyo Xumida isa sii taraysa awgeed, waxa shacbigu kala saari la’yahay cidda ka mas’uulka ah faldambiyeedyada ka dhaca caasimadda gudaheeda iyo gobolladaba.

Waxa kale oo Wasaaradda Jooga Agaasimeyaal aan khibrad u lahayn inta badan Shaqada ay hayaan, keliya waxa ugu badan ee wasaaradda la urursadaa waa mushaharooyinka culus ee laga urursado Hay’adaha Caalamiga ee innaga Gargaara Arrimha Nabadgelyada Sida UNDP, USAID, EU iwm.

Xisbiga UCID waxa kale oo u ka dayrinayaa 13ka Guddoomiye gobol iyo Ku xigeennadooda oo aan badankoodu lahayn waaayo aragnimo siyaasadeed iyo mid Nabadgelyo toona, Inta badan waa rag aan waayo arag u ahayn xallinta Khilaafaadka iyo maareynta iska horimaadka Siyaasadeed iyo kan hubaysan ee ka dhex dhaca beelaha oo soo noqnoqda dad badanina sannad walba innagaga dhintaan, Kuwaasoo aan xataa lahayn fahmad dhaqami ah oo ay kula shaqayn karaan Madaxda dhaqan ka beelaha.

Iyadoo laga duulayo Rabitaanka Shacaka Somaliland ee ah inay ku noolaadaan Nabadgelyo aan cabsi ku jirin iyo Xaqa ay u leeyihiin inay ku noolaadaan nolol Xor ah oo aan wax cabsi ku jirin,Xidhiidh fiicana aynu kula yeelan karno wadamada aynun jaarka nahey waxa Xisbiga UCID ku talinayaa.

1. Dejinta iyo dibu eegista Stratejiyada Qaranka ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, si loo helo qaab dhismeed sax ku ah siyaasadda Amni ee Dalka.

2. Sixitaanka Habka kala Agaasinka shaqo ee hay;adaha Nabadsugidda, Maamulka gobollada, madaxda golayaasha deegaanka, si loo yareeyo amarada is burinaya oo mararka qaarkood sababa in madaxda laamaha dowladdu ku lug yeeshaanfaldambiyeedyo dhaca.

3. In Dawladdu yarayso fara gelinta qaab dhismeedka beelaha, joojisana Magacaabista iyo Gunnaynta Madax dhaqameedyada aan beeluhu ka tashan ee dusha laga keeno.

4. In Xukuumaddu Ururiso Khubaradii Nabadsugidda, Gaashaandhigga iyo Hawlaha Booliisnimada, Lagana talo-geliyo Xulista iyo la socodka hawlaha Amniga. si aan uga badbaadno dhaliilaha Beesha Caalamka ee qiimaysa arrimaha Amniga (Security Status).

5. In Madaxweynuhu dib uga fiirsado Madaxda Wasaaradda Arrimaha gudaha, kuwa Sirdoonka iyo kuwa xasaasiga ee qaran, heer Gobol iyo Degmoba.

6. In Madaxweynuhu Ka fiirsado Wasiirada kale ee Carqaladda iyo faragelinta ku haya Arrimaha Amniga ee adiga kaa libta haysta, isla markaana bahdilka ku haya madaxda wasaaradaha kale iyo shaqaalaha Qaranka.

Xisbigu wuxuu hambalyeynayaa Guud ahaan Ciidamada Qalanka Sida ee dalka oo si halyeynimo ah heegan ugu taagan Ilaalinta iyo Difaacista Nabadsugidda Qaranka Somaliland,” sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga UCID.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories