HomeWaxay Bareen Waddadii Dagaalka! - Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

Waxay Bareen Waddadii Dagaalka! – Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxay ahayd maalintii ciidda soon-fur ee aynu soo dhaafnay. Waxa aanu ku sugnayn mid ka mid ah hudheelada Hargeysa. Si kedis ah waxay indhahaygu u qabteen wiil yar oo aan da’ ahaan ku qiyaasay illaa todoba jir. Wuxuu ku jeeni-qaarnaa qori caag ah oo loo eekaysiiyey qoriga silsilad laha ah ee soomaalidu u taqaanno badh-daloolka amma silsilad laha.

HeersareeWuxuu u muuqday wiil ku faraxsan qoriga caagga ka samaysan ee waalidkiisu u soo iibiyeen oo kolba inta uu keebka qabto samaynaya cod la mid ah rasaasta sida baaska u dhacda. Weliba inta uu kolba dusha uga baxo amma uu fuulo dhisme nagu dhawaa ayuu iska dhigayay sidii mid dadka dusha ka soo tooganaya.

Inkasta oo ay ahayd maalin farxadeed oo wiilkaas yari farxadda ciidda la qaybsanayay caruurta ay isku gedaha ahaayeen, haddana wuxuu u muuqday mid lagu hubeeyey mid ka mid ah qoryaha ugu khatarsan ee xilliyadan la isku gumaado. Wuxuu ku faraxsanaa inuu dadka ku fiiqo oo uu ku riddo qoriga caagga ah balse samaynaya codka rasaasta.

Dadka sida gaar ah aqoonta ugu leh koritaanka maskaxda caruurtu waxay sheegaan in ilmuhu marka uu yar yahay in maskaxdiisu kaydiso dhacdooyinka iyo maraaxilka nololeed ee koritaankiisu marayo iyo waxyaabaha uu la kulmo. Waxa aad arkaysaa qof ku odhanaya, “Waxa aan xasuustaa wax shan jirkaygii igu dhacay.”

Ilmahan yari marka uu ku ababo qori caag ah laakiin leh qaabka qoriga rasmiga ah, keeb, dhacaya isla markaana ku abuuraya inuu baranayo dhaqan la xidhiidha inuu marka uu koro uu isticmaali karo qoriga rasmiga ah ee wax lagu dilo, waxa lagu jiheeyey dubtii dagaalka.

Qorigan oo keliya ma aha hubka caagga ka samaysan ee caruurtu ku ciidaan ee waxa waddanka la keenaa baaskoolado, Ak-47, kaarayaal, rag hubaysan iyo diyaarado dagaal.

Maadaama oo Somaliland ka mid tahay meelaha ay hore u soo daashadeen dagaallo xilliyo kala duwan dhacay, oo dadka waa weyn in badan oo ka mid ah uu weli maankooda ka sii guuxayo qoryihii iyo xabbadahii kala duwan ee la isu adeegsanayay, waxa mudan in caruurta laga daawo hubka lagu ciidsiinyo ee quluubtooda ku kaydsamaya. Wax maskaxdooda koriya oo ka fiican-na ha loo soo sameeyo oo ha loogu beddelo.

 

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories