HomeWaxay Baalisoy Balad Martaba Xeradaa U Balan Ah – W/Q: Maxamed Cali

Waxay Baalisoy Balad Martaba Xeradaa U Balan Ah – W/Q: Maxamed Cali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Mohamed AliMarkii Somaliland gobanimada qaadatay  waxba kama dhaxlin Gumaysigii Ingiriiska. Ingiriisigu wuxuu Somaliland mustacmarsanayay boqol sanadood in ka badan. Wadanadii kale ee u haystay wuxuunboo uga tegay oo ay ka dhaxleen. Iska daa wax kale isagu xafiisyo iyo guryo naftiisa uma dhisan. Waxa xafiisyo iyo guryo u ahaa jiingado la soo wareejay. Xaarkiisa iyo kaadidiisa baaldibaa laga qaadi jiray oo God umuu qodi jirin. Horowmarna iskaba daa. Sidii u ugu yimiday dhulka ayuu kaga tegay. Wadooyinkii koolibustaaluhu xagaafijiray waad aragteenoo dixay noqdeen. Markii ingiriisigu wadanka ka tegay cidlaa la fadhiyay.

Markii Somaliland xuriayada heshay, la isma waydiin wixii u roonaa Somaliland. Kooxo yar oo isbidaysay indheer garad oo aan aragti fog lahayn ayaa Somaliland ka tala qaaday.  Kooxdaasi waxay ka dheeraynayeen codkooda iyo maskaxdoodaba. Kama firkiraynin danta guud ee Somaliland. Waxay ka fikirayeen dan iyaga u gaar ah. Isku darkii Waqooyiga iyo Konforta wixii reer Somaliland ka soo qabsaday waa lawada ogyahay. Ragii Somaliland waqtigaas afodoobay waa kuwii markii xeedho iyo fandhaal kala dheceen Somaliland miciin mooday ee isa soo dabaqabtay. Somaliland waxa soo martay taariikh xun iyo dhibaatooyin una mustacmarkii  Ingiriisku soo gaadhisiin. Mudadii ka horasay 1990 oo noqonaysa ilaa boqol iyo sodon sanadood Somaliland waxay marba marka kasii dambaysa sii galaysay mugdi. 1960 ilaa 1990kiina waxay ahayd mudadii ugu dhimasho iyo gaajo xumayd. Mudadan sodonka sano ah waa mudda laga xaalufiyay Somaliland dhaqaale, baayacmushtar, tacliin,indheer garad, iyo xugunba. Somaliland waxay ahayd mustacmarad Konforeed. Talo, xuquuq, iyo xaqba waa laga xayuubiyay. Waxa la gaadhisiiyay in dumar, caruur, iyo ciroole laga tego Somaliland. Iska daa wax loo qabte  eh waxa lagu bilaabay dil, kofsi, iyo boob. Waatii la ogaa sidii looga qaxay Somaliland.  Bulshada Somaliland ee aduuwaynaha ku baahsan waa firidhkii Somaliland.

Horowmarka Somaliland ee dhinaca dhismaha, dhaqaalaha, iyo dimoqraadiyadba leh maaha mid dhayal ku yimid. Wuxuu ku yimid waayo aragnimo iyo Geesinimo. Firxadkii iyo dhimashadii bulshada Somaliland baa keenay horowmarka maanta ka socda Somaliland. Qofka jooga Hargeysa ama magaalooyinka kale dhexdoodu ma arko inta magaalooyinku dhismeen.  Ma arko horowmarka la gaadhay. Laakin qofkii ay ugu dambaysay soddon sano wuu la yaabaa heerka la gaadhay iyo waxa u soo kordhay Somaliland iyo sida Somaliland uga raysatay Konfor.

Xoola, siiba adhiga, marka la arooriyo ee u biyaha ka dhergo’, waxa adhi jirto u tuntaa durmaan ama teneg. Waxay ku heesaan “Kala xayo, kala xayo, kala xayo..”. Markaasuu neef walba raadsadaa kuwii u la socday. Sidaas oo kale ayaa ku dhacday umadii Somaliyeed. Qofka kasta oo duunyo, guryo, iyo dhulba ku lahaa Konfur, wuxuu kaga soo baxay kaba la’aan, sidii qof dhintay oo wuxuu jeclaa oo dhan ka soo dhexbaxay.  Maanta bulshada reer Somaliland meel kastaba ha joogaane waxa u balan ah Xerada: Somaliland.

Qor: Maxammad Cali Muuse ( Canada )

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories