HomeWaxan oo cadho ah, sidee loo mideyn karaa? - W/Q: Cali Coomay

Waxan oo cadho ah, sidee loo mideyn karaa? – W/Q: Cali Coomay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cali Coomay
Cali Coomay

Subax walba waxa taagan wax cusub oo wixii hore ka duwan.bulshada markaad dhexgashid waxaad la kumaysaa arrimo si weyn u kala duwan oo qaarba qaar ka subxaana laysto.

Waxay arrinta dhabta ahi tahay sida ruuxba u arkayo waxyaabaha imika dalkeena ka jira.

Hadaba halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa qaybaha bulshada iyo noocyada cadhada haysa:

  • Dadka qaar maqalka erayga federaal ayay ka cadhaysan yihiin.
  • Qaar kalena waxay ka cadhaysan yihiin dawladan isku magacowday somaliland ee dhawr sanno lagu celcelinayo, ee aan aqoonsi hayn.
  • Qaar kalena waxay ka cadhaysan yihiin aqoonta iyo talada ku jirta, ee ay gidaarada la fadhiyaan iyadoo cidina ka qaadanayn.
  • Wadaadadiina qoloba qolay ka cadhaysan yihiin. Dadkiina waxay ka cadhaysan yihiin, maxaa loo kala saari waayay wadaadadan kitaabka wada sita.
  • Dadkii hore ee wax bartayna waxay ka cadhaysan yihiin, dadkan dambe ee la leeyahay wuxu ku takhasuusay waxaa ama wuxuu sitaa p.h.d,
  • Oo dadkii hore uunba wax bartay ayaa ku qufulan.
  • Salaadiintii horena waxay ka cadhaysan yihiin suldaankan foojariga ah ee dhawaan soo baxay. Ee jilib kastaa dhawr suldaan yeeshay.
  • Fanaanniintina waxay ka cadhaysan yihiin qoladan yar yar ee fanaanniinta cusub isku sheegay ee wax aanay lahayn durmaan u tumanaya.
  • Dadka carabaha ka shaqaystaana waxay ka cadhaysan yihiin dadkan yurub tegay ee ka soo shaqayta ee muddo sannad ah shan guri soo dhistay. Halka iyaku soddon sano aanay waxba dhisan.
  • Dadkii aqoonta lahaana waxay ka cadhaysan yihiin markuu qof aan magaciisa qori karani la dooddo.
  • Reer magaalkina waxay ka cadhaysan yihiin marku qof imika yimid magaalada uu uga sheekeeyo magaaladu ku dhashay.
  • Indheergaratadi waxay ka cashaysan yihiin kooxahan afmiishaariinta ah ee meel kasta xuurtada ku haysta, ee cid kast af ku khaarajina.
  • Bangiyadii waxay ka cadhaysan yihiin xawaaladahan suuqii ka saaray.
  • Qaarna waxay ka cadhaysan yihiin,iyagoo xaas aan lahayn oo balwad leh arkayana qaadka iyo sigaarka yaalla magaalada oo aan wax ay ku iibsadaan hayn.
  • Hablihii horena waxay ka cadhaysan yihiin, hablahan dambe ee iyagoo toban jir ah nin raadinaya. Halka hablihii hore iyagoo mudakar ah nin ay guursan jirtay.

Intaaso cadho ah oo kala duwan ayaa hawada inaga xidhay oo ina dul heehaabaysa inoona keenay kulaylkan aan hore u jirin, dhammaana waayey.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

calicoomay@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories