Home“Waxan leeyahay Somaliland waa labada hareerood, calooshuna waxba ma ahee wasiirul-khaarajiyaha hala...

“Waxan leeyahay Somaliland waa labada hareerood, calooshuna waxba ma ahee wasiirul-khaarajiyaha hala Bedello oo labada Hareerood hallaga dhigo” – Xildhibaan Obsiiye

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye oo Ka Tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland iyo Arrimaha kasoo cusboonaaday Deegaanada Bariga Dalka.

Mudane Axmed Muuse Obsiiye (Gacan) waxa uu sheegay in shirarka dhibaatada keenay ee lagu unkay maamullada ka soo horjeeda Somaliland ay yihiin qaar laga soo abaabulayo dalka dibaddiisa isla markaana loo baahan meesha ay kasoo maaxanayaan loogu tago.

Axmed Muuse ObsiiyeMudane Obsiiye oo mawqifkiisa ka dhiibanayay dood lagaga hadlayey xaaladda dalka oo ka socotay fadhigii maanta ee golaha Guurtida, waxa uu sheegay in nabadgelyada Somaliland meel fiican marayso, balse waxa uu saluug ka muujiyey siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland oo uu ku dhaliilay inay ka gaabisay doorkii looga baahnaa iyo inay abbaarto goolaha cadowga Somaliland qalalaasaha uga soo maleegayo.

“Shirarkaas la wado waxa laga keenayaa Dibada, Shir aan dibadda laga soo abaabulin gudaha lagama abaabulo, Nabadgelyaduna way wanaagsan tahaye yaan la isku dabakhin nabadgelyadu waa Halkeeda, laakiin siyaasadii arrimaha Dibadda waa la inagaga Adkaaday,” Ayuu yidhi Axmed Muuse Obsiiye.

Xildhibaan Obsiiye, waxa uu ku dooday in dagaalka xilligan Somaliland lagula jiraa ku timi siyaasad xumo dhinaca Arimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah la xidhiidha, isla markana asaaxiibo Somaliland hore ugu lahayd caalamka ay wakhtigan la safan yihiin cadawgeeda, waxana uu yidhi, “Caalamku inaad wax gashato, saaxiib ku yeelato, wax u sheegto, cid kuu doodda ku yeelata ayaa meesha ku jirta, caalamkana ingiriiskaa inoogu dhawaayoo intuu guuray buu tegay xamar ka inaganala dagaallmayana isagaa kow ka ah.”

“Waxa jirtey wakhtiyo dawladihii hore ay jireen oo Baarlamaanka ingiriiska laga soo dhaweynayey madaxweynaheena, Maantana Wakiilkii ingiriiska, kii maraykanka iyo kii Qaramada midoobayba waxay ku dhawaaqeen Somaliland inay ku khaldantay saax-dheer gelitaankeeda, saaxdheerna dalkay ka mid tahay oo xuduudaynu leenahay yurubna iyadaa samayay xuduudaha, markay leedahay way ku khaldantayna waa ujeeddo gaar ah,” ayuu yidhi Xildhibaan Obsiiye.

Xildhibaanku waxa uu iftiimiyey shir-qoolo siyaasadeed oo Somaliland lala maaggan yahay, waxaanu yidhi,“In somaliland la kala jaro oo la googooyo oo sida Xamar laga dhigo oo gobollo loo sameeyo oo nabaddu xumaato ujeeddadu taas weeye, markaa haddaynaan caalamkii cid aynu nidhaahdno waar maanta waxaasu idiinka Baahanahee nala qabta aynaan lahayn waa la inagaga adkaaday.”

Mudane Axmed Muuse Obsiiye, waxa uu ku dooday in xilka wasaaradda Arrimaha dibadda loo dhiibo siyaasiyi dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha darafyada, “Waxan leeyahay Somaliland waa labada hareerood, calooshuna waxba ma ahee wasiirul-khaarajiyaha hala Bedello oo labada Hareerood halaga dhigo. Waxanu leenayay bahasha yeynaan isku soo koobin oo xidh yar oo la yidhaahdo SNM yeynaan ka dhigin xukuumadda Maanta shaqaysaana waxay ku shaqaysaa SNM kuma shaqayso Somaliland SNM-na waxay dhashay Somaliland.”

Hadalka xildhibaanku dooddiisa kaga dhiibtay fadhigii maanta ee golaha Guurtida oo lagaga hadlay xaaladda dalka iyo siyaasadda Arrimaha Dibadda Obsiiye, ayaa kusoo Beegmaysa xilli dhawaan Qaramada Midoobay, midowga Yurub iyo Maraykankuba si wada jir ah ugu dhawaaqeen in loo baahan yahay inay Somaliland kasoo Baxdo Deegaanka Saax-dheer, iyadoo wasaaradda Khaarajiguna aanay wali wax hadal ah kasoo saarin dhawaaqa Beesha caalamka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories