Home“Waxaanu Taageeraynaa Bayaankii Qabyaaladda Lagu Nahyiyay Ee ka Soo yeedhay Salaadiinta Awdal...

“Waxaanu Taageeraynaa Bayaankii Qabyaaladda Lagu Nahyiyay Ee ka Soo yeedhay Salaadiinta Awdal iyo Salal” – BAYAAN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xubno ka kooban dhalinyaro Aqoonyahan ah oo deggen magaalada Hargeysa, ayaa bayaan taageero ah oo soo saareen ku majeertay go’aan ay madax-dhaqameed iyo wax-garad ka tirsan gobollada Awdal iyo Salal kaga soo horjeesteen dhawaaqyada qabyaaladaysan ee mucaaradku taageerada kaga raadinayaan shacabka.

Bayaanka taageerada ah ee dhalinyarada oo nuqul ka mid ah soo gaadhay xafiiska Somalilandpost ee Hargeysa, isla markaana ay ku saxeexan yihiin magacyada dhalinyarada soo saartay, ayaa u qornaa sidan; “Annaga oo ka mid ah Dhalinyarada Deggan Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaanu si kal iyo laab ah u soo Dhowaynaynaa,uguna Bogaadinaynaa, salaadiinta, cuqaasha iyo wax-garadka gobolada galbeedka Somaliland ,baaqa ay u soo jeediyeen Xisbiyada iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka,oo Beryahan Danbe Caddaystay Sidii ay shacabka walaalaha ah ee Imika uun ka soo Kabanaya Burburkii iyo Rafaadkii ay kaga tageen Raadadkii Dagaaladu,ugu dhex tuuri lahaayeen Tafaraaruq iyo Qabyaalad,aynu ognahay,inaan laga dhaxlin wax aan ka ahayn kala tag iyo burbur.

Waxa wax lala yaabo ah in Rag Siyaasiyiin ah oo Dalkan ka quud-daraynaya Mustaqbal Siyaasadeed Inay Maalin Kastaba Halgan ugu jiraan,una Tafaxaydan Yihiin,sidii ay Xadhigii la Xidhaba u kala furi lahaayeen,shalay bay ahayd markii dadkan tafaraaruqii ku dhacay,odayaasheennu ilaahay uun ku Garabgalay ee dirqi iyo tuxun laysugu soo jiiday,ee laysugu keenay,kuwa Siyaasiyiinta sheeganaya ee maanta oo lagu tallo jiro in halka aynu maraynno ee nabad-gelyada iyo Horumarka ALLE innagu Galladay,in hore looga sii socdo,doonaya inay durbaan olole qabyaaladeed dadka u tumaan.

Waxaanu leenahay Adeer MAGAADAYN,XABUUSHAYN IYO KUUL CARRAYNI toonna dadku aqbali Maayaaane’ ha ku toobbad seegina’e, sheeko kale, malaa inaad uga wareegtaan,ayaad ficilkan gurracan Iyo fidnadan idiin dhaami lahayd.

Midna ogaada,waar nimanyow madax-tinimadu sideedaba qarja-jac iyo fidmo abuur kuma timaado’e,

Waa hibo ka timaada xagga rabi,hadday kuu qoran tahay waad heli haddaanay kuu qorayna inaad hesho Ha sugin,in lagu doonana maaha madax-tinimo,habdhaqan iyo afcaal horseedda qaran jab,iyo god-Dalooladeena oo cadawga loo muujiyo.

Waxaannu duco iyo mahadba halkan uga diraynnaa madaxdhaqameedka is xilqaamay ee had iyo jeer Nabadda iyo deganaanshaha ka shaqeeya,waxaanu si gaara u bogaadinaynnaa madax-dhaqameedka Gobolada galbeed,ee ka adkaysan waayey,inay dareenkooda ka muujiyaan hantaaqada loo Geysanayo,amniga nabadda iyo wada noolaanshaha shacabka.

Magacyada Dhalinyarada bayaanka diraysa: Cabdi Muxumad Axmed, Maxamed Axmed Sahal, Jaamac Xirsi Rooble, Cabdi Siciid Saleebaan, Axmed Diiriye Maxamuud, Jaamac Yusuf Claaahi.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories