Home“Waxaanu nahay Dad samir badan, laakiin dulqaadkeyagu maaha mid aan dhammaad lahayn”...

“Waxaanu nahay Dad samir badan, laakiin dulqaadkeyagu maaha mid aan dhammaad lahayn” – Safiirka Somaliland ee Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in la gaadhay xilligii ay Dowladda Maraykanku ku dhawaaqi lahayd Aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland, waxaanay rejo ka muujisay inay xukuumadda Washington ku dhiirrato go’aankan.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Danjire Bashiir Good ayaa rejo fiican ka muujiyey in Maraykanku ugu dambeyn ka garaabi doono xaqiiqada jirta isla markaana ku dhawaaqi doono aqoonsiga Somaliland.

Danjire Bashiir Good oo u warramay Warbaahinta Washington Diplomat, waxa uu soo bandhigay sababo Dowladda Maraykanka xilligan ku riixaya go’anka Aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan filayaa inay Danta Mareykanka ku jirto inuu taageero dal curdin ah oo xasilloon, nabad ah, dimuqraadi ah oo Geeska Afrika kaga yeella bogcadda istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed”.

Ambassador Goth wuxuu ku dooday in ka midho-dhalinta qadiyadda madax-bannaanida Somaliland u baahan tahay wakhti iyo samir balse aanay marnaba suurta-gal ahayn inay Somaliland ku sii jirto Aqoonsi la’aan.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay arrin waqti ku xidhan. Waxaan filayaa in Maraykanku is keeni doono haddii aan wax yar sii dulqaadano. Laakiin, 33 sanno dabadeed, ma sii sugi karno intaas wax ka badan,” Sidaas ayuu yidhi Ambassador Good, waxaanu intaas ku daray, “Waxaanu nahay dad samir badan, aad u dulqaad badan. Laakiin dulqaadkeyagu maaha mid aan dhammaad lahayn. Maaha inaanu sugno 33 sanno oo kale oo laga yaabo inuu qalalaase cusub Gobolka ka dhaco oo dabadeedna caalamku markaas garawsado doorka Somaliland ku leedahay Geeska Afrika.” Sidaas ayuu Danjire Bashiir Good ku sheegay waraysigan oo uu arrimo kala duwan kaga hadlay.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories