Home“Waxaanu Khaati Ku Joognay Cirro Oo Haysta Lacagtii 82-ka Xildhibaan, Yeeli-maayno In…”...

“Waxaanu Khaati Ku Joognay Cirro Oo Haysta Lacagtii 82-ka Xildhibaan, Yeeli-maayno In…” Faysal Cali Waraabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale Wasiirrada Xukuumadda ku eedeeyay inay si gaar ah ugu adeegayaan Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbig tallada haye ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyay Munaasibad uu Xisbigiisu ku Qabsaday Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Tallaabadii Ciidammada Boolisku ay Cisbitaalka Magaalada Caynaba kaga hor-joogsadeen Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan, waxaanu soo jeediyey in Xisbiyadu waxay xaqa u leeyihiin loo ogolaado.

 

Faysal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Tallaabadii Cisbitaalka Caynaba lagaga hor-joogsaday ninkii la odhan jiray (Xirsi) fool-xumo ayay ahayd, Waayo? waa Qof sida Dawo Mucaawimo ah.”

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu Masuuliyiinta Xukuumadda ku eedeeyay inay Shaqadii Qaranka kaga mashquuleen inay si gaar ah ugu shaqeeyaan Musharraxa KULMIYE, “Xukuumadda waxaanu leenahay Muuse waad Sharaxdeen, imika waxa lagu leeyahay xitaa Agaasimeyaashii ayaa u shaqeynaya, ku yar oo Madaarka Hargeysa jooga wuxuu kireeyaa Gaadiidka Tukhaanka oo dhan, Muuse u kacaay Muuse u kacaay. Waxaan leeyahay inaad Muuse u shaqeyso iyo inaad Dawladda u shaqeyso waxaanu iska arkaynaa Dawladda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Agaasimihii baa shaqeynaya, Wasiirkii baa shaqeynaya, waxaan ku idhi Dawladda iyo Muuse kala saara. Nin dhan oo Wasiir ah ayaa igu yidhi la kala saari maayo, Waayo? waxaanu ku jirnaa Golaha dhexe ee KULMIYE, markaa waxa weeyaan KULMIYE u tag oo shaqada Qaranka noo daa’, haddayna joojinna waxaanu Madaxweynaha ku qasbaynaa inuu soo dhiso Dawlad loo dhan yahay oo dhexdhexaad ah, Wasiirradan daba ordayaana Muuse ha raacaan oo Golahiisa dhexe ha u shaqeeyaan.”

 

Guddoomiye Faysal oo hadalkiis sii watay, waxa uu yidhi “Inay Lacagtii Dawladda, Baabuurtii Dawladda, Awooddii Dawladda inuu Muuse nagula tartamo (Yeeli mayno), Waayo? Waxaanu khaati ka joognay Cirro oo 82-ka Xildhibaan Lacagtoodii haystee.”ayuu yidhi

 

 

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories