HomeWaxaanu joogaynaa City: Agueo iyo Balotelli oo meesha ka saaray inay Kooxda...

Waxaanu joogaynaa City: Agueo iyo Balotelli oo meesha ka saaray inay Kooxda ka tagaan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[S]Lpost SportsSerio Aguero ayaa ka farxiyey taageerayaasha Manchester City oo ka cabsi qabay inuu xiddigani xilli-ciyaareedkan u wareego Real Madrid isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka tegayo kooxda Horyaalka Ingiriiska haysata.

Weeraryahanka reer Argentina oo dhaliyey gookii Manchester City u saamaxay inay hanato horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay 44 sano, waxa uu noqday mid aan looga jecel yahay kooxda garoonka Etihad.

In kasta oo odayga soddogga u ah ee Diego Maradona uu ku adkeysanayo inuu u wareego Real Madrid, Aguero waxa uu sheegay inuu doonayo sii joogitaanka City.

blank“Waxaan xirfaddeyda ka sii wadayaa City, waxaan rabaa inaan kooxdan u ciyaaro Champions League. Maanta City cid walba way u wanaagsan tahay, sidaa awgeed ma rabo inaan ka tago. Anigaa go’aansanaya meesha aan tagayo,” ayuu u sheegay idaacadda laga leeyahay dalka Argentina ee Radio La Red.

Hadalkan ayaa meesha ka saaray feker odhanaya inuu xiddigan u isticmaalayo City dariiq uu u sii Marayo Real Madrid markii uu ka soo wareegayey kooxda Atelico Madrid.

Laakiin, Maradona ayaa aad u danaynaya inuu arko Aguero oo ka ciyaaraya Bernabeu, sida uu ku sheegay waraysi uu siinayay jariiradda Ciyaaraha ka faalloota ee ka soo baxay dalka Spain ee AS, isaga oo leh, “Kun waa inuu u ciyaara Real Madrid. In kasta oo uu meel fiican ka marayo City, waxa ugu wanaagsani waa isaga oo u wareega Real Madrid.”

Tabobaraha kooxda Real Madrid ayaa todobaadka muujiyey rabitaanka kooxda ee weeraryahanka reer Argentina, isaga oo weliba si rasmi ah u dalbaday kubbad sameeyaha reer Spain ee David Silva oo uu sheegay inuu dedaal dheer u galayo sidii uu u hanan lahaa.

Dhanka kale, weeraryahanka ay isku kooxda yihiin ee Mario Balotelli ayaa isaguna meesha ka saaray wararka kutiri-kuteenka ah ee sheegaya inuu xilli-ciyaareedkan ka tegayo gegida Etihad.

blankWararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Talyaania ayaa sheegaya in Ballotelli uu ka mid yahay heshiis isku beddel ah oo City ku rabto weeraryahanka AC Milan ee Thiago Silva.

“Waxaan ka ciyaarayaa Machester City,” ayuu Balotelli u sheegay jariiradda ciyaaraha ee Gazzetta dello Sport. Isaga oo raaciyey, “Waan ku faraxsanahay inaan joogo City, waanan joogi doonaa.”

Balotelli ayaa City uga soo wareegay kooxda Inter Milan bishii August ee 2010, waxaanu kooxda reer Manchester kula jiraa heshiis soconaya ilaa bisha June ee 2015.

Xiddigan 21-ka ah oo wakhtiganna lagu daray liiska ciyaartoyga xulka qaranka Talyaaniga uga qayb-galaya ciyaaraha Yurub, isla markaana aad u taageera AC Milan, waxa uu ku adkeysanayaa inaanay waxba ka jirin wararka ku xidhiidhinaya inuu wareegayo gegida San Siro.

SLpost Sports Desk

Sports@somalilandpost.net


Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories