Home"Waxaanu dhamaan diyaarahaha ka ganacsada hawada Somaliland ugu digaynaa inay dalka Soomaaliya...

“Waxaanu dhamaan diyaarahaha ka ganacsada hawada Somaliland ugu digaynaa inay dalka Soomaaliya ee dariska ah ka soo qaadaan dad u dhashay dalkaasi ama reer Somaliland ah oo aan…” – Afhayeenka Wasaaradda Duulista

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa ka mamnuucday Madaarrada dalka inay adeegsadaan dad aan sidan dukumantiga Socdaalka (Passport).

Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxa Diyaaradaha isaga goosha Dalalka Somaliland iyo Somalia uga digtay inay soo qaadaan Rakaab aan haysan Baasaboor si looga hortago caqabado la soo gudboonaada safarkooda.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka wasaaradda Duulista Md. Saddaam Maxamed Axmed, kaas oo u dhignaa sidan: “Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland waxay dhamaan dadweynaha isaga goosha madaarada Somaliland ee ka soo dega ama ka dhoofa ku wargalinaynsaa inay waajib ku tahay inay sitaan baasaabooro sharci ah, si uu ugu sahlanaado safarkoodu, iyada oo aanu ka codsanayno inay tixgalinayaan una dulqaataan baadhitaana dadweynahaasi lagaga samanayo Madaarada iyo wixii su’aalo ah ee laanta socdaalku ay ugu baahato.

Saddam MohamedWaxaanu dhamaan diyaarahaha ka ganacsada hawada Somaliland ugu digaynaa inay dalka Soomaaliya ee dariska ah ka soo qaadaan dad u dhashay dalkaasi  ama reer Somaliland ah, oo aan baasaabooro sidan, taasi oo ah mid aan la aqbalo karin, hadii ay dhacda waxa diyaaradaasi laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxana dadkaasi aan sharciga sidan dhamaantood dib loo celindoonaa diyaaradii siday iyo halkii ay ka yimaadeen.

Waxaanu dhinacyada ay khusayso faraynaa inay u hogaansamaan amaradaasi kor ku xusan, iyadoo wasaaradu hore go’aankan u baahisay, waxaanu mar labaad ku celinayaa in aanay Madaaradda Somaliland ka soo dageyn ama ka dhoofayn cid aan baasaaboor sharciya sidan, marka laga reebo wixii duulimaadyo gudaha Somaliland ah oo ay Muwaadiniinta u banaan tahay inay u kala safraan Madaaradda gudaha iyaga oo aan sidan baasaaboor.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories