Home“Waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumadu ula dhaqantey shacbiga Reer...

“Waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumadu ula dhaqantey shacbiga Reer Gabiley” – Guddoomiye Cirro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumadda ku dhaliilay qaabka ay uga fal-celisay bannaan-bax dadweynaha gobolka Gabiley dareenkooda ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan laba sarkaal oo midkood u dhashay deegaanka oo Askari ka tirsan ciidanka Qaranka toogasho qudha kaga jaray degmada Qurulugud ee gobolka Buuhoodle.

Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay Beesha Caalamka fasiraad mug leh ka siiso Mawqifka iyo qadiyadda MadaxbannaanideedaBannaan-baxa maanta ka dhacay degmada Gabiley, ayaa maamulku u adeegsaday ciidamada Sida gaarka ah u carbisan ee RRU-da oo rasaas iyo muquunin kula kacay dadweynaha, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaadhay dadka shacabka iyo ciidanka.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay kana tacsiyadaynaayo dadkii halkaasi ku geeriyooday Illaahayna uu uga baryaayo in uu caafimaad siiyo dadkii iyaguna ku dhaawacmay rasaas ay ciidamada RRU-du u adeegsatay shacabka.

Guddoomiye Cirro waxa uu Shacabka Somaliland ka tacsiyeeyay Labada Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Somaliland ee lagu dilay Magaalada Qorulugud,waxaana uu Illaahay uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo gaar ahaana dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla oo ay ka soo jeedeen.

Guddoomiye Cirro waxa uu cambaareeyey falka ay xukuumaddu kaga fal-celisay bannaan-baxa ay shacabku dhigeen, waxaanu yidhi, “Waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumadu ula dhaqantey shacbiga Reer Gabiley ee tacabka ku lahaa dhaawacyada soo gaadhay dhalinyarada mudaharaadayay ee Reer Gabiley aad ayaan uga xunahay, waxaanan leeyahay ilaahay nabar gardaro ha idiinka dhigo,waxa kale oo aan tacsi u dirayaa ilmaha yar ee ku dhintey rabshadaasi,iyo qoyaskiisa,waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo shacabka Reer Gabileyna, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada ilaashadaan, oo ay dareenkooda si salmi ah ugudbiyaan,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

“Inaa lilaahi wa inaa Ileyhu raajicuun, waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoyaysaska labada Sarkaal ee katirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee lagu dilay, Tuulada Qorilugud,anigoo ilaahay uga baryaya in uu janadii fardowsa ka waraabiyo,gacan ka xaq daranbaa dishaye Illlaahay ka abaal mariyo. Waxaanan tacsidan u gudbinayaa dhamaanba Ciidamada Qaranka ee ay kabaxeen iyo shacbiga Reer Somaliland guud ahaanba, waxaanan sigaar ah uga tacsiyaynayaa dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla ee ay kasoo jeedeen iyo qoysaskoodii,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro oo warbaahinta la hadlay caawa.

Labada sarkaal ee lagu dilay degmada Qorulugud, ayaa kala ahaa Abaan-duulihii Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka isla markaana ahaa Ku-simihii Taliyaha Guutada, Marxuum Maxamed Yuusuf Maxamed oo derejadiisa ahayd Kabtan, halka Marxuumka labaadma uu ahaa Taliyihii Hawl-gelinta Guutada 17aad Marxuum Jaamac Muxumed Xadi (Jaamac Bidaar) oo derejadiisu ahayd Kabtan. Guutada 17aad ee Ciidanka Qaranka, ayaa ka tirsan Qaybta 31aad ee Milatariga Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories