Home“Waxaan Xukuumadda u jeedinayaa, xabsiga ha kula degdeginna innamada iyo meeshooda ood...

“Waxaan Xukuumadda u jeedinayaa, xabsiga ha kula degdeginna innamada iyo meeshooda ood ka xidhaan,” – Cabdiwaraabe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddida Joogta ah ee Golaha Guurtida Md Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud u soo jeediyey inaanay ku deg-degin Xadhigga ay kula kacdo Suxufiyiinta iyo Xarumaha Warbaahineed ee dhaliilaheeda soo bandhiga, balse ay taas beddelkeeda toosin iyo goobo aqoontooda kor loogu qaado u samayso.

Xaaji Cabdikariim Xuseen oo shalay ka hadlayey munaasibad lagu daah-furay buug laga qoray Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa uu sidoo kale warbaahinta iyo war-fidiyeennada kula dar-daarmay inay qalinkiida wax saxaan balse aanay ku bartilmaameedsan cid gaar ah iyo Dano gaar ah.

xaaji cabdiXaaji Cabdikariim  waxa uu xukuumadda u soo jeediyey inaanay ku deg-degin xadhigga suxufiyiinta oo ay dul-qaad u yeelato dhaliilaha laga sheego maamulkeeda, isaga kula taliyey inay dul-qaad u yeelato dhaliilaha loo jeeiyo. “Maanta oo aynu intaas oo nin oo suxufi ah helnay, waxay qori wax wanaagsan, wax qallooca oo aan jirinna way qori. Waxaad qoonsataan, wacdi mooyee, xadhig hakula deg-degina innamada. Idinkaa la doonayaa inaad toosisaan, Xukuumadda, madaxweyne iyo wasiirba, waxa la doonayaa inaad innamada wax bartaan oo aad u furtaan goobo ay wax ka bartaan oo aan waxba laga weydiin. Waxaan Xukuumadda u jeedinayaa, xabsiga ha kula degdeginna innamada iyo meeshooda ood ka xidhaan,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray isaga oo dar-daaran u jeedinayey Suxufiyiinta iyo doorkooda war-tabineed, “Dhalinyarada suxufiyiinta ah ee wax qoraysana waxaan leeyahay, ninka runta qora ee aamina runta, ninkaasaa ku dambayn doona. Waxa ina dhaawacaya ee dawladda wax yeelaya ha qorina ayaan leeyahay. Madaxda ninka caayaa, madax ma noqdo. Xukuumadda haddii aad caydaan, idinkaa is-caayaya, waa lays toosiyaa, waana laysa saxaa, laakiin waxaan jirin haddii aad qortaan, sharafta dalkaad meel kaga dhacaysaa.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories