Home“Waxaan u taaganahay Tartanka Doorashada Golaha Wakiillada” CABDIQANI M. CABDILAAHI

“Waxaan u taaganahay Tartanka Doorashada Golaha Wakiillada” CABDIQANI M. CABDILAAHI

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Cabdiqani Maxamed Cabdilaahi oo ka mid dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaady inuu ka qayb-qaadan doono tartanka doorashada Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee la filayo badhtamaha sannadka dambe dalka inay ka qabsoonto.

garaadkaCabdiqani Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ah Qurbejoogga Somaliland ee Qaaradda Yurub, waxa uu sheegay inuu go’aankiisa ku gaadhay talo iyo tawfiiq uu la wadaagay Qoyskiisa, Qaraabadiisa, Beeshiisa iyo Asxaabtiisa inuu u tartamo Doorashada mudaneyaasha Golaha Wakiillada, isla markaana uu si gaar ah taageeradooda iyo codkooda marti uga yahay bulshada gobolka Togdheer.

Cabdiqani waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal kooban oo uu ku faahfaahiyey Hankiisa iyo sababta ku qancisay inuu u tartami Aqalka Wakiillada Somaliland.

Qoraalkiisuna waxa uu u dhignaa sidan: “Dhamaan waxaan salamayaa shacabwaynaha Somaliland.

Salaan ka dib, Markaan sameeyay la tashi aan dhinacyo badan la qataay,   markaan wakhti badan iswaydinay Aqoonyahan, Odayaal, dhalinyaro iyo haween oo aan arrinkan kala tashaday, waxaan isla garanay inay ku haboontahay inaan wakhtigan xadirka ah   lagu dhawaaqo lana muujiyo hanka iyo himilada la hiigsanayo.

Haddaba, Anigoo ah Garaad Cabdiqani Maxamed Cabdilaahi waxan caddaynayaa Inaan u taaganahay Musharaxnimada Golaha Wakiillada ee Somaliland sannadka soo socda ee aynu rajaynayno inay inoo qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta, Insha Allaahu, gaar ahaan tartanka mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Gobolka Togdheer.

Waxaan ku kalsonahay gobolka aan ka soo jeedo oo ah gobol taariikh wayn ku leh Somaliland, waa gobolkii gobanimada dhalay, waa Togdheer. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka heli dono codka ugu badan ee la siiyo qof Muwaadin ah. Waa dad aanu aad isu jecelnahay oo aan marnaba qalbigayga ka bixin oo ehelkayga iyo asxaabtayduba ku jiraan.

Waxaan inoo rejaynayaa Guul iyo gobanimo waarta

Allaa Mahad Leh.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories