Home“Waxaan u Taaganahay in aan ka Qaybgalo Tartanka Xisbi Xaakimka Dhexdiisa” Xoghayaha...

“Waxaan u Taaganahay in aan ka Qaybgalo Tartanka Xisbi Xaakimka Dhexdiisa” Xoghayaha Guurtida

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) – Xoghayaha guud ee aqalka guurtida Somaliland Cabdillaahi Ibraahin Habbane, ayaa shir jaraa’id oo uu magaalada Hargeysa ku qabtay ku shaaciyay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweyne xigeenka Kulmiye “Waxaan awalba si dadban ugu jiray siyaasadda, maadaama goleyaasha sharci dejintu yihiin goleyaal siyaasadeed. Haatan waxaan doonayaa inaan si rasmi ah uga qayb qaato siyaasadda, waliba qaybta hogaaminta sare,” ayuu yidhi Xoghaye Cabdillaahi.

 

 

Xoghayaha guurtidu wuxuu sheegay inuu doonaya ka qayb qaadashada horumarka Somaliland ee dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee bulshada “Waxay iila muuqatay  anigoo ku xisaabtamaya waayo aragnimada iyo aqoonta aan u leeyahay waddanka iyo rabitaanka aan u leeyahay jiritaankiisa iyo horumarkiisa oo aan wax ka gaysan karo. Sidaasi darteed waxaan u taaganahay inaan ka qayb galo tartanka xisbi xaakimka Kulmiye dhexdiisa. Waxaan ka qayb gali doonaa loolanka musharaxnimada madaxweyne xigeenka ee Kulmiye,” ayuu yidhi Mr Cabdillaahi.

 

 

Xoghayaha guurtida ayaa sheegay in asxaabtiisa, waxgarad iyo qaybo bulshada ka mid ahi ku dhiiri galiyeen ka qayb qaadashada talada wadanka. Waxa uu sheegay inuu hankiisa iyo qorsheyaashiisa siyaasadeed ku faahfaahin doono munaasibado uu dhawaan qaban doono.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories