Home“Waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah ee maamulkayga loo soo jeediyo, waxaana...

“Waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah ee maamulkayga loo soo jeediyo, waxaana iga go’an in aan gufeeyo godoloolo kasta oo ay qarankan gabadano ka soo geli karto”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo dhaliilaha mucaaradka iyo muwaadiniinta hoggaamintiisa dhaliilsani u jeediyaan Xukuumaddiisa, isla markaana uu u hoggaansamayo talooyinka ay u jeediyaan Goleyaasha Qaranka iyo Axsaabta mucaaradka ah.

IMG_0029Madaxweyne Siilaanyo oo maanta khudbad dhinac badan taabanaysa ka jeediyey munaasibadda dabbaal-degga 23-guurada maalinta qaranimada Somaliland, waxa uu Goleyaasha Qaranka, Axsaabta, Madax-dhaqameedka iyo qaybaha bulshada Somaliland ugu baaqay inay muujiyaan isku-duubni iyo muwaadnimo ay ku ilaashadaan nabadgelyadooda, isaga oo sheegay in marxaladda dalku xilligan marayo loo baahan yahay dulqaad, isku-duubni iyo bisayl siyaasadeed oo xaaladda dalku marayo wakhtigan lagaga gudbo.

“Somaliland waxay ku soo cawo iyo caano maashay halka ay maraysana ku soo gaadhay iskaashi, nabad, tawfiiq, talo wadaag iyo isu tanaasul. Caado wanaagsan oo la gooyaa cadho Alle ayey leedahay; sidaa darteed, waxaan ugu baaaqayaa dhamaan goleyaasha qaranka, axsaabta qaranka, madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, midnimo, isku-duubni iyo wadajir. Marxaladan adag ee aynu ku jirno waxaa la inooga baahan yahay in aynu kaga gudubno isu dulqaadasho, wadaniyad iyo bisayl siyaasadeed, iyadoo ay waajib tahay in aynu meel uga soo wada jeedno difaaca dalkeena iyo xaqiijinta qaranimadeena,” ayuu yidhi Madaxweynaha oo la hadlayey

DSC_0103Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay xukuumaddiisu muhiimadda siinayso horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, balse ay maamul ahaan aanay ka maarmin talooyinka iyo tusaaleyaasha qaybaha bulshada ee kala duwan, waxaanu yidhi, “Anigoo munaasabadda ugu faa’iidaysanaya, waxaan si gaar ah ugu bogaadinaya Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka, Axsaabta Mucaaradka, Ururada Aan Dawliga ahayn iyo haween weynaha doorka ay ka qaataan dib-u-dhiska dalka. Dawladdan oo ah tii horumarka iyo waxqabadka, waxay gacanta ku haysaa mashaariic kala duwan oo laf dhabar u ah kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyada bulshada Qarankan. Haddaba, far keliya fool ma dhaqado, waxan ku boorinayaaa Dhamaan shacbi weynahayga in ay iskaaya garab taagaan, si hagar la’aan ahna noogala qayb qaataan. ‘Waxaanan leeyahay daawanaayow waa dalkaagii. Sidoo kale, waxaan soo dhoweynayaa dhaliilaha dhabta ah ee maamulkayga loo soo jeediyo, waxaana iga go’an in aan gufeeyo godoloolo kasta oo ay qarankan gabadano ka soo geli karto.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan diyaar u ahay inaan dhug u yeesho tixgeliyona talooyinka taabogalka ah ee goleyaasha iyo axsaabta qaranka. Waxaan shacbigayga qiimaha leh kula dardaarmayaa in ay si weyn u ilaashadaan nabadgelyada eebeheen inagu manaystay.”

 

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories