Home“Waxaan Rajaynayaa Carwooyinka Somaliland iyo Tukaanada in Timirta Buluxaar ka Baxda Lagu...

“Waxaan Rajaynayaa Carwooyinka Somaliland iyo Tukaanada in Timirta Buluxaar ka Baxda Lagu Iibin Doono Mustaqbalka Dhow” Wasiirka Beeraha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

 

Bulaxaar(SLpost)- Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Beeraha ayaa jimcihii shallay ka beeray degmada Buluxaar Geedka Timirta oo ay Lixdameeye Sano ka mid ahayd Goobaha ku caanka ah ee laga quuto.

 

Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa beeritaanka Timirtan goob joog ka ahaa hadalo kala duwan oo muhiimada timirta ah ka jeediyey, waxaana Weftiga ka mid ahaa Wasiirka Caddaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax iyo Guddoomiyaha Degmada Buluxaar.

 

Wasiirka wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir Oo hadal kooban halkaasi ka jeediyey ayaa waxa uu tilmaamay muhiimada timirtu leedahay isaga oo sheegay inuu rajaynayo in  Carwooyinka iyo tukaanada Somaliland dib looga helo Timirta deegaankan laga beeray.

 

Wasiirka Wasaaradda Beeraha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Maanta waxa aynu halkan ku beernay geedkii Timirta oo aynu ka beernay goob la yidhi 1946 ayaa Ingiriisku timirta ka bilaabay, Timirtaa waxaan u garaadaystay tiiyoo la yidhaahdo Buluxaar bay ka baxdaa”.

 

Wasiirka ayaa waxa uu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya rajadiisa uu ka qabo timirtan ay beereen “Insha Allah waxaan rajaynayaa Carwooyinka Somaliland iyo tukaanada iyada oo Timirtii Buluxaar ka timid lagu iibinayo inaynu aragno mustaqbalka dhow”

Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Cabdilaahi Ismaaciil Faarax ayaa isna dadka deegaanka kula dardaarmay inay ilaashadaan timirtaasi loo beeray, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan rajaynayaa inaanay halkani noqon mar dambe in meel wixii la siiyaa ay dabar go’aan sida timirihii hore oo kale”.

 

Wasiirka Cadaalada Somaliland Axmed Faarax Cadare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dhulkani waxa uu ahaa dhulkii Timirta lagu abqaalay ee ugu horeeyey dalkii la isku odhan jiray Somalia, waxaan maanta nasiib u yeeshay mar kale inaan goob joog u ahaado Timirtii oo mar kale la abqaalayo, waxaanan xusuustaa in beertan maanta dib loogu abqaalayo aan ka cuni jiray Timirtii Khaliifta la odhan jiray ee ah ta safarada loo qaato, aadbaanu u mahadsan yahay Wasiirka Beeruhu oo ilaa 130 Geed Timireed ah maanta lagu abqaalayo Lughaya”

Guddoomiyaha Degmada Buluxaar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anigu waxaan ku ababay Timirtan wakhti aan ku jiray Dugsiga Hoose Dhexe, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin waxaanan rajaynayaa inay Timirtan aynu beernay ay noqoto mid midho dhal ah oo dadka iyo dalkaba anfacda”

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories