Home“Waxaan qirayaa inuu wasiirkaygu(Sacad)  ahaa muwaadin wanaagsan oo Somaliland u gaajooday…” Cabdikariin...

“Waxaan qirayaa inuu wasiirkaygu(Sacad)  ahaa muwaadin wanaagsan oo Somaliland u gaajooday…” Cabdikariin A. Mooge

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargyesa(SLpost)-Wasiir ku xigeenkii qorshaynta ee is casilay Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa warbaahinta mar labaad kaga celiyay sababta uu xilka uga dagay, waxaanu wasiirka qorshaynta iyo sanduuqa horumarinta somalilandba ka difaacay in iyaga awgood uu shaqada uga tagay.

b062e1adf12169ee515c19e662e4e7f8_L

Cabdikariin Axmed Mooge oo warbaahinta kula hadlaayay isla wasaarada qorshaynta waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “warbaahinta intii aanu fursada isku helnay si cad ayaan ugu sheegay waxii aan isku casilay ninkii jinku luuqadaha lagu hadlo uu u turjumana anigu u jawaabi karimaayo, waxii aan isku casilay afkaygana waan ka idhi barta Facbook-na waan soo galiyay. waxaan isku casilay inaan u gacan banaanaado shaqooyin iigaar ah, inaan shaqadayda uga tagay marshuuca Sdf-na wax ka jiraa ma jiraan amma wasiirkayga aawadii aan shaqada uga tagay, waxaan qirayaa inuu wasiirkaygu ahaa muwaadin wanaagsan oo Somaliland u gaajooday oo wasiir tashiilka yaqaana inuu yahay shaqaalaha wasaaraduna way sheegayaan aniguna waan idiinka markhaari kacay, ixtiraam ayaanu ku soo wada shaqaynay oo ku kala tagnay, haday wax jiraana may suurto gasheen inaan eedaymaha wasiirka iyo wasaarada iyo aniguba inaan halkan soo fadhiisto oo la difaaco.”
Cabdikariin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“dhanka marshuucan markay tahay markaan akhriyay waan ka naxay waayo dadkii deeqdan ina siiyay way ka fakarayaan in aynu nahay dad abaalka celiya iyo in kale, waa mashruucii ugu horeeyay ee nooceesa ah ee Somaliland laga hirgaliyo, aduunkuna waa uu ka hagraday in 24 sanadood ay Somaliland ka caawiyaan kaabayaasha dhaqaalaha, waa markii ugu horaysay ee afar dal oo geesiyaal ahi ay iyadhaahdaan Somaliland waa in aynu ka caawinaa inay kaabayaasha dhaqaalahooda wax ka qabtaan, waynuna aragnay waxtarkiisa. marka marshuucaas maqaal maalinkasta laga qoro qofkaasi wasiir Sacadna waxaba ma yeelayo,wasaarada qorshayntana waxba ma yeelayo laakiin waxa uu Somaliland ka hor istaagayaa lixdan milyan ama tu ka badan oo la siin lahaa, hadii aad sidaas wax u soo qorto Somaliland waxba tari maysid, marshuucan aynu wada difaacano,waa mid qiimo leh oo Somaliland u wanaagsan.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories