Home“Waxaan qabaa Madaxweynuhu in Aannu Marnaba kala Raacayn Musharaxiinta KULMIYE” Xildhibaan Kijaandhe

“Waxaan qabaa Madaxweynuhu in Aannu Marnaba kala Raacayn Musharaxiinta KULMIYE” Xildhibaan Kijaandhe

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargaysa(SLpost)-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka tirsan golaha wakiillada JSL ahna Musharax u tartamaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey madaxweynaha qaranka in aannu ka fillayn in uu musharax si gaar ah u taageero islamarkaana oo uu dhex u noqon doono xubnaha tartamaya.

 

Musharaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray, waxa uu kaga hadlay warar lagu baahiyay warbaahinta dalka oo sheegaya in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu si buuxda u taageeray Murashaxnimada Muuse Biixi, hase yeeshee waxa uu Murashax Kijaandhe uu sheegay inaanay jirin Murashax uu Madaxweynuhu si gaar ah u taageeray, iyadoo uu ku bogaadiyay mawqifkiisii dhex-dhexaadnimada uu ka qaatay Tartanka Murashaxiinta KULMIYE.

Warsaxaafadeedkaas oo uu soo saaray Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka mid ah Murashaxiinta u tartamaysa loolanka Madaxweynenimada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaan Madaxweynaha uga mahad-celinayaa mawqifkiisa ku wajahan dhex-dhexaadnimada ah ee uu u yahay Murashaxiinta ku tartamaaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa. Marnaba wararka kutiri-kuteenka ah ee sheegaaya in Madaxweynuhu cid taageeray, shaqsiyan ma aaminsani, fikirka aan Madaxtooyada ka qabanna wax-ba ka bedeli mayso, waxaanan qabaa inaanu Madaxweynuhu marnaba kala raacayn Murashaxiinta KULMIYE.

Dhaqankii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo looga bartay-nna maaha, haddii uu cid raacaayo aniga (Murashax Kijaandhe), ayuu I raaci lahaa, laakiin dooni maayo innuu cid-nna  godob ka galo. Mar labaad Madaxweynaha waan ku bogaadinayaa mawqifkiisa dhexdhexaadnimada ah ee uu ka istaagay Murashaxiinta KULMIYE, waanna wax taariikhda geli doonta haddii rabbi idmo.”

Waxa jiray warar ka soo baxayey shir madaxweynuhu kula yeeshay habeen hore madaxtooyadda xubno golaha dhexe ka tirsan in uu ka hor caddeeyay taageerada uu u hayo Musharax Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale shalay ayey warbaahinta qaar baahiyeen afhayeenka Madaxtooyadda oo arrinkaasi beeninaya sheegayna in aannu madaxweynuhu kala taageersanayn musharixiintiisa kalana taageeri doonin. Si kasta oo ay tahay waxa shirkii golaha dhexe Kulmiye ee lagu baxayey ka hadhsan  mudo laba todobaad iyo 2 cisho ah.

 

Somalilandpost, Hargiesa Office

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories