Home"Waxaan qabaa inay isaga ku kooban tahay oo aanay la qabin xisbiga...

“Waxaan qabaa inay isaga ku kooban tahay oo aanay la qabin xisbiga UCID, haddii aanu u jeedin odaygu inuu farriin u dirto Somaliya si loogu liiska xukuumadaasi” – Waran-cade

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa si adag uga hadashay hadal Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ku sheegay inay wada-hadallo gaar ah la furayaan Soomaaliya, haddii Mucaaradka laga reebo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayey inay furmaan todobaadkan balse dib loogu riixay wakhti aan la cayimin.

 Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan Faysal Cali Waraabe awood u lahayn inuu xidhiidh la yeesho Soomaaliya isaga oo kalsoonida iyo masiirka umadda haysta.

warancaddeWasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sheegay in hadalka Guddoomiyaha UCID u muuqday mid beesha caalamku sawir khaldan kaga qaadan karto waaqiciga ka jira Somaliland.

 “Arrinta Faysal Cali Waraabe ka siidaayay Warbaahintu waa arrimo keeni kara tuhun ballaadhan oo ka muuqday hadalkiisa, isla markaana ku lid ah Qarannimada iyo gooni-isu-taagga Somaliland, wax haba yaraatee loo dulqaadan karana maaha. Faysal wuxuu ka hadlay wadahallada Somaliland iyo Soomaaliya,  arrintaasi waxaynu ognahay inay xidhnaan jirtay. Laakiin, Golayaasha sharci-dejintu sharci ka soo saareen ay u Madax-bannaanaynayaan in Madaxwaynaha iyo Xukuumaddu ay wada-hadallo la furi karaan Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu taabtay ujeeddada ka dambaysa in wada-hadallada Somaliya laga reebo hoggaannada Axsaabta mucaaradka, gaar ahaan Guddoomiyaha UCID. “Way jirtay marar lagu daray Faysal Cali Waraabe inuu ka mid noqdo gudida wada-hadalka, laakiin khasaare badan iyo tuhun baa ka soo baxay ka dib markii uu Faysal shirar gaar ah isagoo  haysta kalsoonidii umadda iyo madaxweynaha uu shir-doceedyo la galay Soomaaliya oo aaney cidi la ogeyn wixii uu ka hadlay,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Maaha wax la qaadan karo haddii hebel yidhaahdo hadaan laygu darin qaran ma jiro, macnaha qaran ma jirona waxay keeni kartaa muuqaal halis ah oo uu qofku ku mutaysan karo cawaaqib xumo laga yaabo inaanu maanta dareemi karayn.”
“Hadalkii Faysal wuxuu fariin khaldan u dirayey caalamka aynu ka doonayno aqoonsiga, sawir aan Somaliland ka jirin ayuu gudbiyey oo ah Kalsooni-darro, dawlad la’aan,  hogaan la’aan iyo kala danbayn la’aan, iyadoo aynu ognahay inaynu ka mid nahay dalalka dunida ugu nabada iyo wanaaga badan.”

Wasiirka arrimaha guduhu wuxuu farriin u diray shacabka maqlay hadalka Faysal Cali Waraabe jeediyey, waxaanu Wasiir Waran-cadde oo farriintaa gudbinayaa yidhi, “Waxaan bulshada aragtay u sheegayaa inaanay waxba ka jirin awoodna aanu Faysal lahayn inuu shir la galo Soomaaliya, oo waxaan qabaa in isaga ku kooban tahay oo aanay la qabin xisbiga UCID, haddii aanu u jeedin odaygu inuu farriin u dirto Somaliya si loogu liiska xukuumadaasi.

Waxaan shacabka u sheegayaa wax khal khal ahi ma jiro, cid sharciga qaranka ka talaabsan kartaana ma jirto nin somaliland xil u haya oo wada hadal la gali karaana ma jiro oo aan ahayn cida loo igmaday, sidaasi awgeed waxaan Faysal ka codsanayaa inaanu umadda tusno halkuu u socdo ama isagu si dhaqso ah ugu cadeeyo si loo ogaado ujeedada uu leeyahay,” ayuu yidhi Md Cali Maxamed Waran-cadde.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories