Home“ Waxaan Leeyahay Culimada Khilaafka Diinta Ha U Isticmaalina Warbaahinta, Warbaahintana Waxaan...

“ Waxaan Leeyahay Culimada Khilaafka Diinta Ha U Isticmaalina Warbaahinta, Warbaahintana Waxaan Leeyahay Ha Noqonina Kuwa Xambaara Khilaafka Diinta”Wasiir Cukuse

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLPOST):-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi galinta Jamhuriyada Somaliland Md:Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Ayaa uga digay Culimada dalku inay waxii  khilaaf diiniya ay isu mariyaan Warbaahinta,

cukuse22

waxaana uu sheegay in ka dawlad ahaan iyo Xukumada ahaantoona aanay ka raali ahayn in khilaaf diini ahi uu dalka ka bilaabo,Wasiirku waxaana uu sida oo kale uu  carabka ku dhuftay in khilaafka diiniga  ahi aanu u wanaagsanayn dhinaca Nabad galyada o sida oo kale waliba diinta lafteeda.

Wasiir Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse oo maanta Warbaahinta ugu waramaayey Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyey in culimadu iyaga oo kaashanaaya Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriayda Somaliland ay warbaahinta isticmaalaan oo kaliya marka ay arimo diinta la xidhiidha ay ku wacyigalinayaan shacbiga reer Somaliland.

“Waxaanu ka hadlaynaa waa aragtida xukuumada oo runta ah,waxaanu ka hadlaynaa aragtida dadkan iyo qarankan sida ay u aragto muran diimeed oo dhaca anagu Xukuumad ahaan Dawlad ahaan iyo Umad ahaantoona diyaar uma nihin muranka diinta,muranka diintu inooma wanaagsana,muranka diintu waxaa uu keenaa khilaaf xun oo ciqdi ah oo dhamaadkiisu aanu fiicnayn diinta sida dooda kaleba laysagu qaban karo aragtiyo mad habo iyo dood cilmi lays wadaar sanayo wey leedahay oo waa lasamayn karaa.culimadana waxaan ugu yeedhaynaa iyaga oo kaashanaya wasaarada diinta iyo awqaafta  inay arimaha diinta had iyo jeer aanay u isticmaalin warbaahinta oo marka ay warbaahinta isticmaalayaan waa inay noqoto mar ay shacbiga ku wacyi galinaykuaann inay dhaqanka wanaagsan iyo diinta ay qaataan”.Ayuu yidhi Wasiir Cukuse

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse  waxaa uu sida oo kale uu Warbaahinta uu ka codsaday in ay joojiyaan in ay faafiyaan wixii khilaaf diini ah ,waxaana uu sida oo kale uu kala dardaarmay in ay khilaafka diiniga ah ay ku xambaaraan gacmahooda waxaana ka mid ahaa hadaladiisii:

“..Waxaan ugu yeedhayaa saxaafada oo aan leeyahay min fadlikum hays ku dayina inaad in ay diintu  noqoto meel aad xambaartaan khilaafkeeda,diinta islaamka wanaageeda sharafkeeda karaamadeeda waxa ilaahay iyo rasuulkiisu ay yidhaahdeen xambaara taasaa ajar idiinku jiraayee,laakiin murankeeda iyo khilaafkeeda waxa uu doono ha ahaado waxa laga hadlayaabee,kol haduu yahay culimadu waxaa ay ku muran santahay waa aynu u fududaynaynaa dawlada ahaan”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland/Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories