Home“Waxaan ku Faraxsanahay Masuulka Madaxweyne Siilaanyo Beddelayaa inuu noqdo nin aan wada...

“Waxaan ku Faraxsanahay Masuulka Madaxweyne Siilaanyo Beddelayaa inuu noqdo nin aan wada garanayno oo aan ahayn mid meel baas inagaga yimi..”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

siyaasi-jirdeLondon (SLpost)- Siyaasi Jirde Muuse cali oo ka mid ah Qurbajoogta Somaliland kana mid Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye ee Dalka Ingiriiska ayaa ka Hadlay Xaaladaha kala duwan ee waqti xaadirkan ka taagan Somaliland Gaar ahaana Abaaraha Sanad jirsaday ee ku habsaday Gobolada Bariga dalka. Sidoo kale wuxuu ka hadlay Siyaasada Xisbiga Kulmiye uu ku Hogaaminayo Dalka.

Jirde oo isagoo ku sugan Magaalada London Khadka telefoonka Noogu Waramay ayaa Iftiimiyay Sida ay lagama maarmaanka u tahay Ka qayb qaadashada Abaaraha ka taagan gobolada BAriga waxaana uu Amaanay Xukuumada,Ganacsatada iyo Cid kasta oo qayb ka gaysatay sidii ay dadkooda uga saari lahaayeen Xaaaldahan adage e ay galeen

Jirde Muuse Cali waxaa uu dhanka kale Ugu Baaqay Xisbiyada Mucaaridka Inaanay Olole ka Deyin Dadka Abaaruhu Halakeeyeen Balse looga Fadhiyo inay Badbaadiyaan Nolosha Dadka ay Codka Ka doonayaan Mustaqbalka taasi oo Kala cadayn doonta In Xisbi kastaaba Heli Doono Waxa uu gashado Dadkaasi Dhibtu Hayso isagoo sidoo kalena Rabi uga baryay inuu Raxmaad Khayr qaba u Shubo Dadkiisa

Siyaasi Jirde Muuse Cali waxaa uu yidhi isagoo Arimahaasi ka Hadlayana wuxuu yidhi, “Horta Dhamaanba waxaan Salaamayaa Warbaahinta  Somaliland waxaana aan ilaahay uga baryayaa inuu Raxmaadkiisa u shubo Dadka deegaamada Bariga Somaliland oo aad walaal og tihiin in ay Abaaro Adag oo xoolihii Madheen ku dhufteen,Waana wax ilaahay lagu Mahadiyo waayo Barwaaqada iyo Abaartaba Waa Nimcooyinka Ilaahay,Abaaro kala duwan ayaa dalka soo maray ayna ka mid ahaayeen Hawaara Harga Cuna,Xaaraama Cune,daba dheer iyo qaar kaloo badan balse tani waa ay ka daran tahay kuwaasi oo dhan lamina garanayo Magac loo bixiyoba,Waxaanan doonayaa inaan halkani Uga Mahadnaqo Dhamaanba Cid kasta oo ka qayb qaadatay U gurmashada dadkaasi MAsaakiinta waxaana aan ka xusayaa Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo oo gurmad ka gaysatay wixii awoodeeda ahayd iyo welibana Ganacsatada Somaliland sida Shirkadaha dalka oo aan iyaguna Hagran dadkaasi Taasi intaas ayaan kaga baxayaa “ Ayuu Yidhi

Dhanka kale Waxaa uu Jirde ka hadlay Shaqsinimada uu leeyahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo waaya aragnimada uu Dalka u leeyahay waxaana uu ka dhawaajiyay inuu yahay Masuulka keliya ee dalkan lagu aamini karo isagoo soo dhoweeyey Murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi waxaana uu yidhi isagoo arintaasi ka hadlaya

“Anigu Walaal muuse Biixi Shaqsinimadiisa ayaan garanayaa waana Nin aan soo wada shaqaynay Markii uu ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha dawladii Marxuum Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal Xiligaasi oo aan taliye ka ahaa Geerisa gobolka Selel oo aan Mudo halkaasi dawladnimada ka wada wadnay,waana nin dalkan wax ka bedelaya,Waana mid aan hubo guusha uu ka gaadhi doono Doorashada soo socota,Waayo Halgankii uu dalka usoo galay Maaha mid la iloobi doono Isaga iyo Mujaahidiintaba waxaana aan ku Faraxsanahay inuu noqdo Masuulka madaxweyne Siilaanyo Bedelayaa nin aan Wada garanayno oo aan ahayn Mid Meel baas inagaga yimi Balse taas bedelkeeda uu yahay Nin Qaaxo inala Joogay oo Xoraynta Dalkiisa mudo usoo dibjiray Halka raga qaar ay wadamada qurbaha Casiirka ku cabayeen Waana aan idin Salaamayaa “

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories