Home“Waxaan ka shalaynayaa Khaladkii iigu weynaa ee aan galo oo ah inaan...

“Waxaan ka shalaynayaa Khaladkii iigu weynaa ee aan galo oo ah inaan u ololeeyo Kursiga uu maanta Siilaanyo Ku fadhiyo” – Dr Gabose

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 17 April, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeed UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa markii ugu horreysay shaaciyey in khaladkii ugu weynaa abid intii uu siyaasadda ku jiray ahaa u-ololeyntii iyo doorashadii Madaxweyne Siilaanyo isla markaana si kulul u cambaareeyey dhacdadii shalay xil-lagaga xayuubiyey guddoomiye ku-xigeenkii 2aad ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Dr. Gabboose waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay inuu Somaliland danbi weyn ka galay maadaama uu u ololeeyey Kursiga uu maanta madaxweyne Siilaanyo ku fadhiyo, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi, “Haddii aan ummadda Somaliland maanta odhan lahaa khaladka ugu weyn ee aad noloshaada aad gashay ee aad kaliga marka tahay aad dib uga shalaydo waxa weeye khaladka iigu weyn Siilaanyo maanta kursiga uu ku fadhiyo in aan u ololeeyey maxaa dhacay? Dalkii Somaliland ayaan waxaan u arkaa in aan dunuub wayn ka galay oo Siilaanyo imishadiisa meesha oo waxaan u arka jidka ay arrimuhu u socdaan dalkii oo meel xun ku socdaa.”

Guddoomiyaha ururka UMADDA waxa kale uu ka hadlay hangankii dheeraa ee Cabdiraxmaan Cabdiqaadir u soo galay xisbiga Kulmiye, isla markaana falkii lagula kacay yahay mid umadda reer Somaliland og tahay inuu ahaa mid cadaaladda ka fog, waxyeello weyn-na u geystay dimuqraadiyadda Somaliland ku faanto, isaga oo arrintan ka hadlaya waxa uu yidhi,  “Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa u dheer halgankii oo isaga oo jaamaciya oo arday ah ayaa ilaa maanta aanu dalka meela uga bixin oo uu halgankii kaga qaybqaatay oo waxa intaa u dheer xisbigani waa xisbigii qaran xisbi cidi leedahay maaha. Xisbigan wuxuu ku bixiyey maalkiisii waqtigiisii naftiisii wuxuu u huray ilaa dhaawacii weyna ee qof bani’aadam ah ku dhaca ee laf-dhabarka ah uu ka jabo isaga oo madaxweyne Siilaanyo u ordayaa si uu si marxabo leh ugu soo dhaweeyn lahaa.”

Waxa uu guddoomiyuhu hadalkiisa intaas ku daray, “Marka waxaan la qaba bulsho weynta reer Somaliland in ficilkii halka ka dhacay ahaa ficil waxashnimo ah in dhaawacay himiladdii socodkii taariikhdii nololeedii dimuquraadiyadda iyo dhaqankii subaanaa ee ay Somaliland ku soo caano-maashay muddo dheer.”

Mar uu guddoomiyuhu ka hadlayay haddii qof xisbiga ka tirsani dambi galo in la anshax marin karo balse dariiqii loo maray xil-ka-xayuubintiisa ay ahayd mid sharci darro ah, waxa uu yidhi,  “Marxabadii soo dhaweynta ahayd waxay dhashay inuu madaxweynuhu yidhaahdo haddii uu shirka dhex fadhiyo imin mayo, waxaaso dhan waxa ka weyn muwaadin kasta oo xisbi ka mid ahi danbi ayuu gali karaa anshax waa la marin karaa. Laakiin xeerka KULMIYE iyo ururkasta-ba waxa ku qoran in guddi anshax la horgeeyo. Anigu UMMAD ahaan waxa kaliye ee aan ognahay waxa weeyi inuu dhaliilay maamulku sidu wax u waddo inuu musuqmaasuqa socda waxa ka sheegay, sidaana ummadu waxay u arkaysay inuu u hiilinayey Madaxweynaha inuu hiilinayey xisbigiisa.Laakiin waxa meesha ka soo baxday nidaam cusub oo kaligii-talisnimo oo xoog iyo cabudhin ah oo ah haddii wax layga sheego oo haddii aan sidan wax u karo aan lay arag xabsiga ayaa la galayaa, waad arkaysaan bilihii u dambeeyey inta qof la taxaabay oo si fudud xabsiga loo wadda galinayo oo ilaa iyo hadda kuwadda jiraa iyagoo sharaftii iyo qarannimaddii iyo dadnimadii midna la eegin.

Dr. Gabboose waxa uu madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inuu qaadan waayo tallaabooyin uu siddeed sanno ku kici jiray intii uu mucaaradka ahaa, haddii uu madaxweyne noqdayna uu markiisa u adkaysan waayo in maamulkiisa dhaliilo loo jeediyo, “Waxaa nasiib-darro ah Siilaanayo siddeed sannadood ayuu dhaliilayey maamul jiraa oo waxbaa sidaasa, isagiina daqiiqad qudha oo dhaliil ah wuu gubanayaa oo xadhig  iyo inuu bahdil dadkii ayuu kula kacayaa. Isla markaa waxaan u arka in xisbiga KULMIYE isagu si dhaawacay inuu isagu is bahdilay isagaa karaamaddii iska qaaday isagaana saxadda siyaasadda kaga baxayaa ficilka uu kula kacay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir,” ayuu yidhi Dr. Gabboose oo u warrameyey telefishanka Caalamiga ah ee HCTV.

SLpost News/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories