Home“Waxaan ka digayaa in masiibadaa Waaheen ka dhacday noqon mid ina kala...

“Waxaan ka digayaa in masiibadaa Waaheen ka dhacday noqon mid ina kala qaybisa” – Danjire Baashe Cawil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wakiilkii hore ee Dowladda Somaliland u fadhiyey Dalka Kenya, Baashe Cawil Xaaji Cumar, ayaa ka digay in la siyaasadeeyo ama Bulshadu ku kala qaybsanto Qorshaha Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo uu ku tilmaamay masiibo Qaran oo midnimo lagaga gudbi karo.

blankDanjire Baashe Cawil Cumar waxa uu ku baaqay in hay’adaha ku-shaqada ee masuuliyaddeedu ay saaran tahay loo daayo qorshaha dib-u-dhiska Suuqa Waaheen, isla markaana dowlad iyo shacab-ba laga wada-shaqeeyo dib-u-soo nooleynta Ganacsiga Suuqa Waaheen.

Danjire Baashe Cawil Cumar waxa uu arrimahan kaga hadlay qoraal uu ciwaan uga dhigay DARDAARAN GUUD oo uu ku baahiyey ciwaannada uu ku leeyahay baraha bulshada, waxaanu ku bilaabay, “Waxa wanaagsan ee ina mideeya ayaa ka badan inta yar ee aynu isku khilaafsanay ama aynu ku kala qaybsanay.

Waxaa dhawaan suuqa wayn ee Waaheen ka dhashay dab khasaare badan u gaystay hantidii iyo dhaqaalihii muwaadiniin faro badan oo reer Somaliland ahaa kana ganacsan jiray halkaa.

Masiibadani waxaad odhan kartaa waa mid ka mida dhibaatooyinkii ugu waaweynaa ee intii ay jirtay Jamuuriyada Somaliland la soo kulantay, waana mid qaabka looga baxayo ama looga soo kabanayo ku xidhan tahay hadba sida aynu u wajahno ama uga hortagno.

Illaa hadda shacabka iyo haldoorka Somaliland ba si isku-mid ah oo midaysan baa arintan loo wajahay, oo loogu kacay.

Waxaase ayaamahan soo badanaya hadalo iyo aragtiyo siyaadadeed oo dhinacyo kala duwan iska taagaya qaabka ama wadada loo marayo dib u dhiska iyo soo nooleenta Suuqa Waaheen,” sidaas ayuu yidhi Baashe Cawil.

Waxa kale oo uu intaas ku daray qoraalkiisa, “Waxaan ku talin lahaa in arintan aan la siyaasadeen ee loo daayo Hay’adaha ku shaqada leh, Dawlad iyo shacabana aynu u guntano sidii aynu gunta dhiisha uga xidhan lahayn ee aynu usoo celin lahayn ganacsigii iyo suuqii Waaheen, dadkii hantida ka gibatayna loogu soo celin lahaa.

Mucaarid iyo Muxaafidbana maanta waxa lagu qiimeenayaa hadba sida aynu uga qayb galno gurmadkaa, ee aan wax ugu darsano.

Waxaan ka digayaa in masiibadaa Waaheen ka dhacday noqon mid ina kala qaybisa, balse noqoto mid sidii caadadu inoo ahayd muujisa dhaqankii iyo ficilkii lagu yaqiin Somaliland ee ahaa in loo midoobo wixii danta guuda, meelna looga soo wada jeesto,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyi jiray dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories