Home “Waxaan isleeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray” Wasiir Maxamed...

 “Waxaan isleeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray” Wasiir Maxamed Biixi oo la Soo Dhaweeyay Hankiisana Markale Ka Hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa(SLpost) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa. Soo dhaweyntiisa oo aan ahayd mid lagu soo dhawaynayo wasiirnimada iyo xilka uu qaranka u hayo ayaa u muuqata mid dhoolatus u ah taageero lala barbar taagan yahay sidii uu musharax uga noqon lahaa xisbiga Kulmiye.

 

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cabdiraxmaan, Sheekh Aadan Siiro, wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin kale  iyo boqolaal dadweyne ah ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta wasiirka loogu sameeyay madaarka Hargeysa oo ay barbar socotay munaasibad loogu qabtay Hotel Crown.

 

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa hadal uu bulshada soo dhaweysay u jeediyay ku sheegay inuu yahay musharax Kulmiye ka dhex ordaya, isagoo sheegay inuu isbidayo aqoon uu dalka u leeyahay iyo cilmi uu aduunyada u leeyahay. Waxa uu sheegay inuu halkaas ka sii ambaqaadi karo halka xukumadda Siilaanyo dalka marinayso.

 

“Sidaad ula socotaan waxaan ahay Musharax, ka dhex ordaya xisbiga Kulmiye, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu igu guuleeyo.  Waxaan isleeyahay wadanka waxaad ku soo kordhinaysaa Aqoon, cilmi, aragti iyo waayo aragnimo balaadhan, iyo anigoo maanta aqoon weyn u leh wadanka iyo caalamkaba. Waxaan isleeyahay dalkaad taqaan oo macalin baaban ka ahaan jiray,” ayuu yidhi wasiirku.

 

Wasiirka oo sii hadlaya waxa uu sheegay in dadka u haysta inuu qurbejoog uun yahay uu hore u ahaan jiray macalin aqoon badan dalka u leh, wuxuuna sheegay inuu macalin ka soo noqday magaalooyinka Bullaxaar, Sallaxley, Baligubadle, Sheekh, Berbera iyo Burco” Wadanka aad baan u aqaan. Waxaan isleeyahay wadanka waad dhaqaajin kartaa oo heer aqoon iyo cilmi qalin ku dhisan ayaad gaadhsiin kartaa,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa socdaal ku dhexmaray dadka madaarka ku soo dhaweeyay, sidoo kalena waxaa magaalada Hargeysa laga dareemay soo dhaweyntiisa kadib markii jidadka ay mareen gaadiid tiro badan oo dadweyne badan la saaray islamarkaana calanka Kulmiye la lulayay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories